Thursday, September 4, 2025

Taliyaha AFRICOM oo la kulmay Madaxda Soomaaliya iyo Midowga Afrika

Muqdisho (Dawan) – Taliyaha cusub ee Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Dagvin Anderson, ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya,Midowga Afrika, iyo Dowladda Mareykanka, sida uu sheegay AFRICOM.


Qoraal kooban oo lagu daabacay baraha bulshada ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in safarka Gen. Anderson ee Muqdisho ee uu kula kulmay madaxdadaan uu ahaa kii ugu horreeyay ee uu ku tago Soomaaliya tan iyo markii uu xilka la wareegay, isagoo sheegay in socdaalku yahay “muujin taageerada Mareykanka ee amniga iyo xasilloonida gobolka.”


Villa Somalia ayaa dhankeeda sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku qaabilay General Anderson iyo Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley, xarunta madaxtooyada. War-saxaafadeedka madaxtooyadu wuxuu sheegay in kulanka diiradda lagu saaray “xoojinta iskaashiga dhinaca amniga,” iyadoo la sheegay in Soomaaliya ay “ka go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso saaxiibada caalamiga ah.”


Si kastaba, lama shaacin war-murtiyeed wadajir ah, mana jiraan faahfaahin dheeri ah oo laga helay nuxurka dhabta ah ee wadahadalkaasi.


Socdaalka Anderson ayaa yimid xilli muhiim ah oo ay Soomaaliya wajaheyso kala-guur dhanka amniga ah, iyadoo Mareykanku weli sii wada duqeymaha cirka, taageerada uu siiyo cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ee Soomaaliya.


Bishii Luulyo 2025, AFRICOM waxay sheegtay inay fuliyeen sagaal weerar oo cirka ah oo ka dhan ah dagaallayaasha Daacish ee ku sugan buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari. Weerarradan ayaa qayb ka ah duqeymo sii kordhaya oo Maraykanku ka fulinayo gudaha Soomaaliya, kuwaas oo sidoo kale lagu bartilmaameedsaday Al-Shabaab.


Anderson ayaa beddelay Michael Langley oo xilkaasi horey u hayay. Hoggaankiisa ayaa kusoo beegmaya xilli Mareykanku uu sii wato joogitaankiisa istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here