Saturday, July 27, 2024

Geelle: Sacuudigu waxa uu kaalin mug leh ka qaata maalgashiga Afrika

Riyaad ( Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ka qeyb galay Madasha Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika ee maanta lagu qabtay magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ammaanay kaalinta ay dowladda Sacuudigu ka qaadato maalgashiga iyo horumarinta dalalka Afrika.

Geelle oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in Boqortooyada Sacuudigu ay tahay tusaale lagu daydo marka lasoo hadal qaado taageerada horumarinaeed ee qaaradda Africa, iyada oo kaalin udub dhexaad ah ka qaadaneysa horumarka Geeska Africa iyo dalal dhaca Badda Cas.

Madaxweyne Geelle ayaa yiri “Dowladda Sacuudigu kuma koobna dhinaca maalgashiga oo kaliya ee sidoo kale waxa ay ka qayb qaadata baxnaaninta siyaasadda iyo amniga”

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tilmaamay in dowladdiisu garab istaageyso dadaal kasta oo lagu doonayo in la isku xiro maalgashiga dalalka iyo qaaradaha si loo xoojiyo wax wada qabsiga dhanka ganacsiga.

Geelle waxa uu yiri, waxa aan u xaqiijinyenaa caalamka in dowladda Jabuuti ay ka go’antahay sii xoojinta iskaashi maalgashi oo dhex mara Sacuudiga, maadaama ay Jabuuti ku taalo afaafka hore ee qaaradda Africa sidoo kalena ay leedahay kaabayaal kale oo u suurta gelinaya in lagu sameeyo maalgashi sida Dekedadaha, iyo aagaga ganacsi ee xorta ah kuwaas oo fursad siinaya ganacsatada iyo shirkadaha doonaya in ay sameeyaan maalgashi.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here