Saturday, September 6, 2025
Array

Masar oo ka adkaatay Itoobiya oo marti u ahayd.

Qaahira (Dawan) – Xulka Qaranka Masar ayaa 2-0 ku garaacay Itoobiya kulan ka tirsan isreeb-reebka Koobka Adduunka ee 2026, ciyaar ka dhacday Garoonka Caalamiga ah ee Qaahira.

Mohamed Salah ayaa furay goolasha rigoore uu shabaqa ku hubsaday daqiiqaddii 41-aad, halka Omar Marmoush uu dhaliyay goolka labaad, rigooro kale oo la siiyay Masar daqiiqadaha dheeriga ah ee qeybtii hore ee ciyaarta. Labada xiddig ayaa hoggaanka u dhiibay Masar, taasoo hadda ku jirta kaalinta koowaad ee Group A, halka Itoobiya ay kaliya hal kaalin ka sareyso Jabuuti oo dhanka hoose ka joogta groupka. Labada xul ayaa waxaa u dhaxeeyo farqi 13 dhibcood ah.

Guushan ayaa ka dhigan in Masar ay sii xoojiso rajada ay ku gaari karto Koobka Adduunka 2026, iyadoo ciyaarta ay ahayd mid xiiso badan oo ka dhaxeysay laba dal oo xiriirkooda siyaasadeed ay weli ku murunsan yihiin arrinta biyo-xireenka Itoobiya ee Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD).

Inkasta oo siyaasadda labada dal ay ka dhex taagan tahay xiisad, garoonka dhexdiisa Masar ayaa muujisay karti iyo awood ciyaareed, iyadoo hoggaaminaysa Group A. Itoobiya ayaa wajahaysa cadaadis si ay uga soo kabsato guuldarradan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here