Saturday, September 13, 2025

DDS oo Daahfurtay Ethio Coders oo loo qorsheeyey 124,000 Qof deegaanka ah

Jigjiga (Dawan) – Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa Jimcihii si rasmi ah u daahfuray Barnaamijka Ethio Coders, oo ah barnaamij loogu talagalay in ardayda Soomaaliyeed ee Dowlad Deegaanka lagu caawiyo inay bartaan xirfadaha digital-ka ah iyo hal-abuurka si ay u helaan fursado shaqo, sidoo kalena ay door muhiim ah uga ciyaaraan hormarka deegaanka iyo Itoobiya guud ahaan.
Sida uu sheegay Xafiiska Curinta ee Tiknoolajiyada Dowlad deegaanka, barnaamijkan ayaa sanadkaan 2018 loogu tala galay inay ka faaiideystaan 124,190 oo arday, taas oo ka badan ardaydii sanadkii hore ee gaarayay 100,000 arday. “Barnamijkan tiro ahaan dadka ka fa’iidestay tiro ahaan marka la fiiriyo tiradii nala siiye wa dhafnay. Sanadkan cusub waxaan rabnaa tirada in la garsiiyo 124,190,” ayuu yiri Maxamud Xuseen, Wasiir ku Xigeenka Xafiiska Curinta iyo Tiknoolijiyada.
Xafiiska Barnaamijka ayaa sheegay in ardayda ka faa’iideysanaysa barnaamijkan ay isugu jiraan shaqaalaha dowladda, ardayda dugsiyada sare, kuwa jaamacadaha, iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.
Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin heer deegaan, mas’uuliyiinta xafiisyada curinta tiknoolajiyada, caafimaadka, arrimaha haweenka iyo dhalinyarada, dhammaan shaqaalaha heer deegaan iyo iskuulada magaalada Jigjiga. munaasabadda ayaa si gaar ah loogu jeediyay sidii bulshada iyo ardayda looga wacyi-gelin lahaa Barnaamijka Ethio Coders.
Ethio Coders waa barnaamij iskaashi u dhexeeya Dowladda Itoobiya iyo Dowladda Imaaraatka Carabta, waxaana loo bilaabay si loo xoojiyo aqoonta digital-ka ee dhalinyarada Itoobiya. Barnaamijkani wuxuu qorsheynayaa in uu tababaro 5 milyan oo qof oo ka tirsan dhalinyarada Itoobiya ee ku nool magaalada iyo miyiga, isagoo diiradda saaraya barashada barnaamijyada sida barnaamijka webka, horumarinta appka Androidka, Data Science-ka, iyo sirdoonka macmalka ah (AI) ilaa sanadka 2026.
Barnaamijkani wuxuu si gaar ah u taageerayaa haweenka, iyadoo la doonayo in ugu yaraan 50% ka mid ah ka faa’iideystayaasha barnaamijkan ay yihiin gabdho. Waxaa maalgeliyay Dowladda Imaaraatka Carabta, iyadoo sidoo kale ay ka qayb qaadanayaan shirkadaha caalamiga ah sida Google, Meta, iyo Boeing, kuwaas oo bixiya taageero farsamo, khibrad, iyo fursado shaqo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here