Muqdisho, 13 Sebtember 2025 — Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu furmayo Kalfadhigiisa 7aad 20-ka Sebtember, kadib dib u dhac ku dhow hal bil oo ku yimid furitaanka kalfadhiga.
War-saxaafadeed la soo saaray Sabtida ayaa lagu sheegay in hoggaanka labada Aqal ay ku heshiiyeen taariikhda kadib wada-tashiyo gudaha ah. Kalfadhiga waxaa markii hore la qorsheeyay inuu furmo 23-kii Agoosto, balse ma uusan furmin.
“Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aamiyay in Kalfadhiga 7aad furmo Sabti, 20 Sebtember 2025,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Baarlamaanka.
Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarrada ayaa lagu amray inay ku soo laabtaan Muqdisho ka hor maalinta furitaanka rasmiga ah.
Ilaa iyo hadda wax sharaxaad rasmi ah lagama bixin sababta fasaxa dheer uu u sii socday.
Dib-u-dhaca ayaa ku soo beegmaya iyadoo Baarlamaanka laga filayo inuu ka doodo sharciyo iyo heshiisyo muhiim ah oo la xiriira hannaanka doorashada, iyo sidoo kale dib ugu laabasahda afar cutub oo ka mid ah Dastuurka oo dib-u-eegis iyo wax ka beddel lagu sameyeyey, taas oo ka dhalatay heshiis dhex maray xubnaha Golaha Madasha Samatabixinta iyo Villa Soomaaliya.