Sunday, September 14, 2025

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka qeyb galaya shir deg deg ah oo Dooxa martigalineyso.

Dooxa, 14 Sebtember 2025 — Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) ayaa Dooxa ugu qeyb galaya shir heer wasiir ah oo usii gogol xaaraya shir deg deg ah ay iskugu imaanayaan dalalka xubnaha ka ah ururada jaamacadda carabta iyo iskaashiga Islaamka oo Qatar ay marti galineyso.

Wasiirka oo gaaray shalay galabti Doha ayaa maanta ka qeyb galaya shirkaan ay Doha ay marti galineyso ka dib weerarkii duqeynta ahaa ee Israa’iil ka fulisay magaaladaas 9 September ee sanadkaan.

Shirkaan oo lagaga hadlayo duqeymahii cirka ee Israa’iil ka geysatay Qatar ayaa lagu diyaarin doonaa war-murtiyeedka shirka hogaamiyayaasha ee lagu wado inuu isniinta ka furmo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu maanta u safro Qatar si uu ugu qeyb galo shirka ay Doxa xaqiijisay dhicitaankiisa.

Soomaaliya ayaa horay u canbaarreysay weerarkan, iyada oo golaha amaanka ee qaramada midoobay u gudbisay sida ay u aragto weerarka ay Israa’iil ku qaaday Qadar.” Dowladda Soomaaliya waxay cadeyneysaa in falalkaasi uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah isla markaana khatar ku ah nabadda iyo amniga gobolka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya ka soo saartay weerarkii Israa’iil ee Qadar 9 September.

Israa’iil ayaa Talaadadii lasoo dhaafay weerartay xarun ay ku jireen xubno ka tirsan Xamaas oo ku taala Dooxa. Weerarka ayaa lagu dilay shan xubnood oo ka tirsan Xamaas iyo hal askari oo Qadar ah, kuwaas oo ka wadahadlayey heshiis Maraykanka soo jeediyay si loo soo afjaro dagaalka Gaza, halkaas oo Israa’iil ay ku dishay in ka badan 64,000 oo qof tan iyo Oktoobar 2023. Qadar, Maraykanka iyo Masar, ayaa ka mid ahaa dhexdhexaadayaasha wadahadalada si loo soo afjaro dagaalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here