Sunday, September 14, 2025

Jabuuti iyo Tanzania oo ka wada hadlay iskaashiga milliteriga

Wasiirka Gaashandhiga Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed, iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Qalabka Sida, Zakariye Sheekh Ibraahim, ayaa Sabtidii kulan kula yeeshay Hotel Desovesia Wasiirka Gaashandhiga u qaabilsan jabuuti , Xasan Basoova, iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Tanzania, Maxamed Suleiman.

Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti, kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga milliteriga ee u dhexeeya Jabuuti iyo Tanzania. Waxaa si gaar ah looga wada hadlay dhinacyada nabadgelyada, amniga, iyo ka hortagga argagixisada, iyadoo la isku raacay in labada dal ay sii xoojiyaan iskaashiga dhinacyadaas.

Wasiir Xasan Basoova ayaa sheegay in xiriirka Jabuuti iyo Tanzania uu yahay mid qoto dheer oo muddo dheer soo jiray, isagoo uga mahadceliyay soo dhoweynta ay kula kulmeen mas’uuliyiinta Jabuuti.

Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti, Taliyaha Guud ee Ciidanka Tanzania, Maxamed Suleiman, ayaa sheegay in xiriirka labada dal uu yahay mid muhiim ah, isla markaana uu ka tarjumayo wada-shaqeyn adag oo ku saabsan ilaalinta nabadgelyada gobolka. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in iskaashigan uu ka caawin doono labada dal sidii ay u horumarin lahaayeen xirfadaha ciidamada qalabka sida ee labada waddan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here