New York, 14 September 2025 – Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa soo bandhigay qaraar cusub oo lagu xoojinayo iskaashiga ka dhexeeya Qaramada Midoobay (QM) iyo Midowga Afrika (AU). Qaraarkan oo la soo bandhigay 29ka Agoosto 2025 xilli ay socotay kalfadhiga 79aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York, waxa uu diiradda saaraya xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo nabadda, xuquuqda aadanaha, iyo horumarinta waara ee Afrika.
Qaraarka la soo bandhigay waxa uu adkeynayaa muhiimadda in la kordhiyo taageerada maaliyadeed ee mashaariicda lagu xallinayo caqabadaha ugu weyn ee qaaradda ka jira, sida saboolnimada, cunto yaraan, iyo shaqo la’aanta, iyadoo sidoo kale la wajahayo khatarta sii kordheysa ee isbeddelka cimilada ee gobolka.
Qodob muhiim ah oo ka mid ah qaraarkan ayaa ah baaqa loogu dirayo bulshada caalamka in ay kordhiyaan wax ku biirinta dhaqaalaha si loo maalgeliyo mashaariicda horumarineed iyo dadaallada nabad-dhisidda ee ka socda Afrika. Qaraarku waxa uu muujinayaa in maalgelin ku filan ay muhiim u tahay ka hortagga farqiga bulshada iyo ka jawaabista dhibaatada isbeddelka cimilada, kuwaas oo saameyn weyn ku yeelan kara xasilloonida iyo korriinka muddada-dheer ee qaaradda.
Qodob kale oo muhiim ah ayaa ah in muhiimadda la siiyo ka qaybgalka dhalinyarada iyo sinnaanta jinsiga. Qaraarka ayaa soo jeedinaya doorka muhiimka ah ee dhalinyarada iyo haweenka ee qaabeynta mustaqbalka Afrika. Waxa uu ugu baaqayaa in si loo hubiyo in qaybaha kala duwan ee bulshada ay ka qayb qaataan hawlaha amniga iyo nabadda si loo xaqiijiyo horumar waara oo loo dhan yahay.
Guddiga Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay qaraarka Sabtidii kaas oo uu sheegay in si dhameestiran u anixiyey Golaha Amaanka, iyadoo Guddoomiyaha Guddiga, Maxamuud Cali Yuusuf, uu ku tilmaamay in qaraarku yahay taageero xoogan oo u gaara hogaaminta Afrika iyo iskaashiga muhiimka ah ee ka dhexeeya QM iyo AU. Maxamuud ayaa sheegay in ay rajeynayaan in qaraarkan uu kaalin weyn ka qaato xasilloonida caalamiga ah iyo in uu keeno natiijooyin dhab ah oo ka faa’iideysta dadka Afrika.
“Si wadajir ah, waxaan ballan-qaadkan u tarjumi doonnaa waxqabad la taaban karo oo wax u tara dadka Afrika oo gacan ka geysta xasilloonida caalamka.” ayuu Maxamuud sheegay.
Qaraarku wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyaa muhiimadda ah in la waafajiyo Ajendaha 2030 ee Horumarinta Waara ee QM iyo Ajendaha 2063 ee AU. Labada ajende ayaa loo arkaa inay yihiin qaab-dhismeedyo isku-dhafan, iyadoo Ajendaha 2030 uu diiradda saarayo yoolalka caalamiga ah halka Ajendaha 2063 uu diiradda saarayo baahiyaha gaarka ah ee Afrika.