Sunday, September 14, 2025
Array

Maxay Soomaaliya ugu baahan tahay in la ansixiyo Hindise-sharciyadda xogta rasmiga ah?

Waxaa qoray Xuseen Macallin Maxamuud, La-taliyihii hore ee  Amniga Qaranka.

SOOJEEDIN KA TIMID QOF BANNAAN-JOOG AH OGNA WAXA GUDAHA KA SOCDA

Waxaan maanta qormadaan qorayaa aniga oo aan haynin xil dowladeed, balse ka mid ahaa dadkii muddada dheer kusoo dhex shaqeeyay nidaamka dowladeed una soo joogay xilliyo adag iyo sanadihii ugu dambeeyay ee nidaamka dowladeed uu soo xoogaysanayay marka la eego horumarka guud ee laga sameeyay hirgelinta qalfoofta dowladnimada casriga ah. Intii aan ahaa Lataliyaha Amniga Qaranka, xafiiskaygu wuxuu habeen iyo maalin ka shaqaynayay dib-u-habaynta iyo hagaajinta arrimaha uu igmanaa ee lagu xoojinayo dowladnimada Soomaaliya. Waxaa arrimahaasi ka mid ahaa hindise-sharci aan u arkayay in uu saldhig u yahay dadaallada dowlad-dhiska Soomaaliya: Hindise-sharciyeedka Xogta Rasmiga ah (Official Information Bill).

Hindise-sharciyeedku  kuma imaan si sahlan; waxaa gundhig u ahaa wadatashi dheer oo lala yeeshay wasaaradaha ay khusayso, hay’adaha kale ee dowladeed, qareenno iyo xeeldheereyaal sharci, bulshada rayidka, iyo bahda warbaahinta. Hindisuhu waxa uu ka soo bilowday xafiiskayga, in kasta oo Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ay si rasmi ah u gudbisay Golaha Wasiirrada, maadaama ay tahay wasaaradda u xilsaaran arrimaha uu hindise-sharciyeedku ku saabsanaa. Hindisaha looma diyaarin in uu noqdo qoraal la kaydiyo ee waxaa loogu talagalay in uu kaalin mug leh ka qaato xallinta caqabadaha dhabta ah ee aan ku arkayay gudaha dowladda oo ay mid tahay in aysan jirin hannaan qoran oo lagu kala saaro waxa sir loo aqoonsan karo iyo waxa kale. Hadda hindisuhu wuxuu horyaallaa meeshii loogu talagalay: Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Sidaas daraadeed ayaan rabaa in aan halkaan baaq toos ah ka jeediyo.

SHARCI SOOMAALIYA AYSAN WELIGEED YEELAN

Tan iyo markii la gaaray madaxbannaanida iyo dowladnimo la aqoonsan yahay, Soomaaliya weligeed ma yeelan sharci dhamaystiran oo nidaamiya sirta Qaranka iyo helitaanka xogta oo isku dheellitiran, si la mid ah sida dalalka dimoqraaddiga ahi u leeyihiin hannaan casri ah oo lagu maareeyo xaqa helidda xogta ee muwaadiniinta. Waxaa jira qodobbo kooban oo lagu sheegay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, iyo qodobbo kale oo aan caddayn kuna jira sharciyo kale, balse ma jiro nidaam cad oo qeexaya xogta la ilaalinayo, xogta lala wadaagi karo muwaadinka caadiga ah, iyo sida loo kala saaro. In ka badan lixdan sano, waxaan ku noolayn welina ku nool nahay dal ay suuragal tahay in wax kasta ay sir noqdaan.

Maqnaanshaha sharcigan waxaan ku waynay waxyaabo badan oo muhiim u ahaa dalka iyo dadka. Muwaadiniin, suxufiyiin, iyo xitaa saraakiil dowladeed ayaa lagu eedeeyay in ay “sir” bixiyeen iyada oo aan cidina qeexi karin waxa sir loola jeedo. Eedaymahaas mararka qaarkood waxay ahaayeen kuwa siyaasadeysan, mararka qaarkood shakhsiyaysan, inta badanna waxay ahaayeen kuwo aan caddaalad ku dhisnayn. Dhanka kale, xogihii muhiimka u ahaa Qaranka – amniga, diblomaasiyadda, ama dhaqaalaha – waa la dayacay, mararka qaarna waxaa lagu wadaagi jiray taleefoonnada shaqsiga ah ama farriimo lagu dirayo iimeello gaar loo leeyahay. Waxaa intaas dheer, go’aannadii ugu muhiimsan ee maamulka dowladda – qandaraasyo, heshiisyo, xitaa go’aannada Golaha Wasiirrada ama Baarlamaanka – ayaa la ansixiyay iyada oo ay albaabadu xiran yihiin aysanna jirin wax daahfurnaan ah. Dhaqamadaasi waxay dhaawaceen kalsoonidii shacabka waxayna wiiqeen sumcaddii dowladnimada.

Hindise-sharciyeedka Xogta Rasmiga ah waa sharcigii ugu horreeyay ee looga gol-lahaa in looga baxo mugdiga iyo daahfurnaan la’aanta. Hindisuhu waxa uu si cad u dhigayaa sida loo kala saaro sirta, sida loo ilaaliyo, iyo sida muwaadinku u heli karo xaqiisa dastuuriga ah ee xogta. Markii ugu horreysay taariikhda Soomaaliya, waxaan heli doonnaa hannaan sharci ah oo isku dheelitiran kaas oo wada ilaalinaya amniga qaranka iyo xaqa isla xisaabtanka ee dadweynaha.

OGGOLAANSHAHA OO NOQONAYA ALBAABKA LAGA SOO GALO XOGAHA AMNIGA QARANKA

Waxa ugu muhiimsan ee sharcigani soo kordhinayo waa in uu edbinayo hab-dhaqanka dowladeed ee aan haatan kala saari karin waxa sir noqon kara si waafaqsan Dastuurka iyo waxa aan noqon karin. Edbintaasi waxaa lagu soo koobi karaa hal eray: Oggolaanshaha Helidda Xogaha Amniga Qaranka (Clearance).

Oggolaanshuhu waxa uu noqonayaa furaha lagu furto xogta amniga Qaranka. Heerka oggolaanshaha sarkaalka dowladeed ayaa go’aaminaya xogta uu arki karo, faylasha uu furi karo, iyo xitaa kulamada uu fadhiisan karo. Mar dambe xiriir shakhsi ama cadaadis siyaasadeed ma go’aamin doonaan cidda miiska fadhiisanaysa. Haddaba xuquuqda helitaanka xogta waxay ka imaan doontaa mas’uuliyadda iyo hubinta uu sharcigu dhigayo.

Hannaanka ku salaysan oggolaanshaha wuxuu keeni doonaa in xogaha la kala shaandheelo loona sameeyo nidaam lagu kala sooco; marka sarkaal walba uu garto heerkiisa oggolaanshaha helidda helidda xogaha Amniga Qaranka iyada oo cid walba ku koobnaan doonto wixii shaqadeeda ka khuseeya oo keliya. Intaas ka dib, kulamada dowladda laftooda ayaa noqon doona kuwo nidaamsan: ka qaybgalka, doodaha, iyo hadal-qoraallada waxaa lagu calaamadayn doonaa heerkooda sir ahaanshaha ee sharcigu uu tilmaamay. Hadal-qoraallada kulamada ayaa loo kaydin doonaa loona heli doonaa si waafaqsan sharciga iyo heer oggolaanshaha helidda xogta.

Waxaa laga yaabaa in hadalkaan uu u muuqdo arrimo farsamo, balse waa hadal la micno ka hortagga iyo xoojinta hannaanka keliya ee lagu ilaalin karo xogaha muhiimka u ah Qarannimada Soomaaliyeed, wuxuuna tusaale u yahay farqiga u dhexeeya dal ku shaqeeya fowdo iyo dal ku shaqeeya nidaam iyo sharci.

MUWAADINIINTA OO LAGA ILAALIYO LAGANA DIFAACO XADGUDUB IYO AWOOD-SHEEGASHO

Sharcigani wuxuu sida oo kale si weyn ugu adeegayaa shacabka; wuxuu xaqiijinayaa ballanqaadka Dastuurka ee aan weli la dhaqangelinin sida ku cad Qodobka 32aad ee Dastuurka KMG ah: xaqa muwaadinka Soomaaliyeed u leeyahay in uu helo xogaha ay hayaan hay’adaha dowladeed ama hay’adaha qabta howlaha dowladeed. Marka uu dhaqan-galo, muwaadiniinta, suxufiyiinta, iyo cilmi-baarayaasha lama siin karo jawaab diidmo oo aan sal sharci lahayn. Haddii xog la diidayo, waa in lagu diidaa sabab sharci ku qotonta, qoraalna lagu muujiyo. Haddii sababtaasi aanay macquul ahayn, waxaa loo dacwoon karaa maxkamadda awoodda u leh.

Taasi waxay sidoo kale ka dhigan tahay in sir ahaansho aan mar dambe laga dhigan karin cudurdaar lagu aamusiyo cidda xogta soo dalbatay. Suxufiyiinta laguma cabsiin doono eedo aan qeexnayn ama aan lahayn saldhig sharci. Cilmi-baarayaashu kuma qasbanaan doonaan in ay mala-awaalaan xogaha ay tuhmayaan in ay jiraan lagana qarinayo. Muwaadiniinta looma sheegi doono “waxaan waa sir”  iyada oo lagu xadgudbayo xuquuqdooda dastuuriga ah. Wixii sir ah waxaa si cad u qeexaya hindise-sharciyeedka, wax kasta oo kale waxa ay noqon doonaan xogo ay shacabku soo dalban karaan kulana xisaabtami karaan dowladda.

LA DAGAALLANKA DAAHFURNAAN LA’AANTA IYO MUSUQMAASUQA

Maqnaanshaha sharci noocaan ah wuxuu horseeday ku tagrifal awoodeed iyo musuqmaasuq iyada oo “ waa sir dowladeed” loo adeegsanayo arrimo musuq, bixinta/helidda qandaraasyo qarsoon, iyo aamusinta mucaaradka. Xitaa Baarlamaankeenna waxaa marar badan laga codsaday in uu ansixiyo heshiisyo isaga oo aan helin dukumiintiyada iyo qoraalka heshiisyadaasi. Golaha Wasiirrada ayaa go’aanno muhiim ah ku qaatay si qarsoodi ah, iyada oo aan shacabka waxba loo sheegin.

Sharcigani wuxuu u joojinayaa dhaqankaas; wuxuu waajibinayaa in hay’adaha dowladeed heerarkooda kala duwan ay kaydiyaan xogo sax ah, in ay faafiyaan miisaaniyadaha, qandaraasyada, siyaasadaha iyo xogaha kale ee muhiimka ah, iyo in ay si sharciga waafaqsan uga jawaabaan codsiyada lagu dalbanayo xogaha ay haayaan. Sharcigani wuxuu meesha ka saaraya mugdiga iyo daahfurnaan la’aanta, wuxuuna isku dheellitirayaa ilaalinta xogaha Amniga Qaranka iyo xuquuqda dastuuriga ee la xiriirta helidda xogta ay dowladdu hayso.

ISKU DHEELLITIRNAANTA AMNIGA IYO DAAHFURNAANTA

Qaar baa is waydiin doona: miyaanay furfurnaanta noocan ahi khatar ku ahayn Amniga Qaranka? Jawaabtu waa maya. Sharcigani wuxuu abuuraa nidaam cad oo kala saaraya xog qarsoodi, xog sir ah, iyo xog sir culus. Wuxuu dembi ka dhigayaa dayacaadda, wuxuuna ciqaabayaa bixinta xogaha looga dhigay sir si waafaqsan sharciga, isaga oo keeni doona nidaam iyo kala dambayn lagu soo afjaro dayaca hadda jira. Isla markaana wuxuu meesha ka saarayaa in musuq ama xadgudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha lagu qariyo magaca “amniga”.

Hannaankani waa isku dheellitirka ay dowladaha ugu waawayn adduunka qaateen kuna dhaqmayaan muddo dheer. Soomaaliya maanta waxay u baahan tahay in ay xoojiso sharciyadda dowladnimada waxaani qayb wayn ka qaadan kara hindise-sharciyeedka aan kor kusoo sharraxnay.

WAXA LA GUDBOON BAARLAMAANKA, WASAARADDA WARFAAFINTA, IYO BULSHADA

Xubnaha sharafta leh ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya: sharcigani waa masuuliyad idiin saaran. Ansixintiisu ma aha oo keliya in lagu ilaaliyo xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta, balse sidoo kale waxay xoojin doontaa awoodda Baarlamaanka. Sharcigaan wuxuu idin siinayaa awood kor-joogteyn oo qeexan, awood aad ku dalbataan isla xisaabtan kula xisaabtantaan laanta fulinta. Ha u qaadan hindise kale oo caadi ah. Siiya ahmiyadda uu leeyahay: sharci aasaasi ah oo ka qaybqaadanaya dhismaha Jamhuuriyaddeenna iyo dowladnimadeenna. Taariikhda ayaa qori doonta waxa aad ka yeeshaan hindise-sharciyeedkaa!

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska: sharcigan waa sharcigiinii magac ahaan, ha noqdo sharci aad idinku leedihiin ugana shaqeeya si dhab ah. U ololeeya. Shacabka bara. Ha u oggolaanina in uu meeshiisa ku dhinto. Ma aha arrin farsamo oo keliya, waa tiirka ka mid ah dowladnimadeenna. Hogaamiya ansixintiisa idinka oo isku kalsoon.

Suxufiyiinta Soomaaliyeed, cilmi-baarayaasha, iyo bulshada rayidka: sharcigani idinka ayaa iska leh. Wuxuu idin siinayaa xaqa aad wax ku ogaan kartaan, xaqa aad su’aal ku weydiin kartaan, iyo xaqa aad codkiina ku muujin kartaan. Wuxuu idinka xoraynayaa cudurdaarka aad la qabsateen, “waxaani waa sir dowladeed”. Wuxuu idin siinayaa aalad aad kula xisaabtami kartaan madaxda, ku dalban kartaan daahfurnaan buuxda oo saabsan xogaha muhiimka ah, isaga oo sida oo kale idin siinaya aalad aad aad ku heshaan xogaha aad ku difaacaysaan danaha guud.

Sharcigaan ayaa gaashaan iyo seefba idiin ah.

GEBOGEBO: JAMHUURIYADDU WAXAY U BAAHAN TAHAY IFTIIN

Soomaaliya waxay muddo dheer ku noolayd mugdi – mugdiga daahfurnaan la’aanta, mugdiga musuqmaasuqa, iyo mugdiga dowladnimo aan ku shaqaynin shuruucda dalka. Hindise-sharciyeedka Xogta Rasmiga ah waa fursad lagu gaari karo iftiinka dowladnimo dadku leeyihiin . Wuxuu edbinayaa dowladda isaga oo isticmaalaya hannaan qeexan oo lagu shaandheeyo xogaha ay dowladda hayso. Wuxuu difaacayaa wixii sharci ahaan mudan in ay sir ahaadaan. Wuxuu farayaa in shacabka la siiyo xogaha ay soo codsadaan iyaga oo raacaya habraacyada la dejiyay. Wuxuuna dib u dhisayaa soona noolaynayaa kalsoonida ay tahay in ay ka dhaxayso muwaadinka iyo dowladdiisa.

Waxaan ku celinayaa, Hindise-sharciyeedka Xogta Rasmiga ma aha oo keliya sharci caadi ah oo la mid ah shuruucdii aan iska dejin jirnay, waa isbeddel dhab ah oo ay tahay in aan ku samaynayo sida aan u maamulayno awoodaha dowladeed ee sharcigu siiyay saraakiisha dowladda. Wuxuu kala qeexayaa jamhuuriyad ku dhisan qarsoodi iyo tuhun, iyo jamhuuriyad ku dhisan kalsooni iyo isla xisaabtan. Jamhuuriyadda waxaa leh shacabka Soomaaliyeed. Xuquuqda koowaad ee shacabkana waa in ay ogaadaan sida loo maamulayo jamhuuriyaddooda.

Fiiro Gaar ah: Qormadani waxay ka tarjumeysaa ra’yiga qoraha, ma matalayso mowqifka DAWAN ama hayadda uu ka shaqeeyo iyo cid kaleeto midna.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here