Muqdisho (Dawan) – Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya, Axmed Xasan Aadan, ayaa sheegay in horumar weyn laga sameeyay tayada iyo awoodda dhoofinta kalluunka Soomaaliyeed.
Hadalkan ayuu ka sheegay wareysi uu siiyay Telefishinka Qaranka Soomaaliya, oo xalay la soo baxay, isagoo tilmaamay in la sameeyay heerar qaran oo hubinaya in kalluunka Soomaaliya uu la jaanqaado shuruudaha caalamiga ah ee tayada.
“Caqabadda kale oo hortaagnayd dhoofinta ayaa ahayd in kalluunka wax tayadiisa lagu hubiyo aysan jirin. Arrintan waxaa lagu xalliyey asaasidda Hay’adda Tayada Kalluunka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri wasiirka
Wuxuu intaa ku daray in tababaradda iyo diyaarinta loo sameeyay shaqaalaha ka shaqaynaya arrinta tayada kalluunka ay soo gaareen heer wanaagsan, taasoo soo saartay xeerar ku saabsan tayada kalluunka iyo noocyada laga sameynayo. Soomaaliya ayaa sidoo kale xiriir dhow la yeelatay shirkado ay leeyihiin muwaadiniin Soomaali ah si loo hubiyo tayada kalluunka.
“Maanta ganacsatada Soomaaliyeed waxay awood u leeyihiin in ay kalluunka si kalsooni leh u dhoofiyaan, maadaama aan u diyaarinay heerar lagu qancin karo caalamka,” ayuu yiri Wasiir Axmed Xasan Aadan.
Wasiirku wuxuu adkeeyay in ganacsatada Soomaaliyeed, oo ganacsi ku fiican xitaa xilliyadii burburka iyo dawlad la’aanta, ay jirtay ay u doofin jnireen waddamo ay ka mid yihiin Urdun, Cumaan, Imaaraadka Carabta, Shiinaha iyo dalal kale.
Wasaaraddaan ayaa la filayaa inay xoojiyo qeybta kalluumeysiga Soomaaliya, kordhiyo ganacsiga caalamiga ah, isla markaana ay taageerto nolosha ganacsatada Soomaaliyeed ee ka shaqeeya kalluumeysiga.