Wednesday, December 4, 2024

Itoobiya.. Diyaarad ciidan oo burburtay iyo shaki ah inay ku dhinteen mas’uuliyiin

Addis Ababa (Dawan)- Diyaarad milateri oo ay leeyihiin ciidamada cirka ee Itoobiya ayaa Sabtidii ku dhacday magaalada Bahir Dar ee gobolka Amxaarada, sida ay Wakaalada Wararka Anadolu kasoo xigatay warbaahinta maxalliga ah.

Shilka ayaa ka dhacay xilli duhuradii ku beegan, iyadoo diyaaradda ay ku sii jeeday garoonka diyaaradaha ee Belay Zeleke International, balse faahfaahin dheeri ah lagama hayo sababaha shilka iyo haddii ay saaran yihiin mas’uuliyiin milateri ama kuwa kale oo ka tirsan dowladda.

Sidoo kale, waxaa la joojiyay dhammaan duulimaadyada garoonka magaalada Bahir Dar, oo ay ku jiraan duulimaadyada shirkadda diyaaradaha Itoobiya, sida ay sheegeen rakaabka iyo ilo xog-ogaal ah.

Illaa iyo hadda, dowladda Itoobiya wax war ah kama soo saarin shilka, waxaana jira warar dheeraad ah oo tilmaamaya in Taliyaha Ciidanka Xoogga Itoobiya, Marshal Berhanu Jula, uu booqday Bahir Dar maalintii Jimcaha, isaga oo kulamo la qaatay mas’uuliyiinta amniga gobolka.

Xoghayaha Siyaasadda ee Jabhadda Fano ee Gujam, Asris Mari Damte, ayaa sheegay hadal kooban oo ahaa ” inay mucjiso dhacday” kaas oo loo fasirtay inay diyaaradda dhacday ay saarnaayeen mas’uuliyiin milateri .

Maalmihii lasoo dhaafay, waxaa si joogta ah u dul wareegayay deegaanka diyaaradaha milateriga sida ay sheegeen goob joogayaal.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here