Friday, October 18, 2024

IGAD oo xafiiska horumarinta xuduudaha ka hirgelisay Mooyaale

Mooyaale (Dawan)- Urur Gobaleedka Hormarinta dowladaha Geeska Afrika ee Magaciisa loo soo gaabiyo IGAD ayaa dhanka Kenya ee magaalo Xuduudeedka Mooyaale ka furay xafiiska isku xirka horumarinta xuduudaha.

Mas’uuliyiin ka kala socda Urur goboleedka IGAD iyo dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya ayaa kasoo qeyb galay xafladda xariga loo jaray xafiiska isku xirka horumarinta xuduudaha.

Waa iyaguna goob joog ahaa munaasabadda waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalooyinka Mooyaale iyo Mersabit.

Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD Dr.Warqineh Gebeyehu ayaa tilmaamay in muhiimadda uu leeyahay xafiiskan ay tahay inuu si dhow ula shaqeeyo bulshooyinka xuduuda isaga gudba ee Itoobiya iyo Kenya iyo ka hortagga tahriibka.

Sidookale Waxaa uu xoghayuhu sheegay in xafiiskan isku xirka horumarinta xuduuduhu uu abuuri doono awooda bulshada dan wadaagta ah ee lagu gaarsiin karo adeegyada bulsho iyo kaabayaasha dhaqaale, gaar ahaan bulshada deegaanka iyo qaxootiga.

Dhinaca kale Mas’uuliiyiintii goobtaasi kahadashay ayaa carrabka ku adkeysay in xafiiskan loo aas-aasay dardar gelinta is dhexgalka dowladaha gobolka, iyadoo la samaynayo qorshayaal wadajir ah, xog is dhaafsi, fududeynta ganacsiga xuduudaha iyo howlaha kale ee shacabka, si waafaqsan siyaasadda iyo barnaamijyada hormarineed ee Urur Gobaleedka IGAD.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here