Saturday, July 27, 2024

Dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo taageeray hakinta bixitaanka ATMIS

Muqdisho (Dawan)- Dowladaha ay ciidamada nabad ilaalinta ka joogaan Soomaaliya ayaa taageeray codsigii Soomaaliya ee ahaa in hakin farsamo lagu sameeyo bixitaana ATMIS muddo seddex bilood ah,

 Wasiirada arrimaha dibadda ee shanta dal ayaa warqad ay ku caddeynayaan taageeradooda u diray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres iyo madaxa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Ferit Hoxha

Tilaabada ay qaadeen  dowladaha Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda iyo Burundi ayaa ka dhigan in 3,000 oo askari oo ka bixi lahaa Soomaaliya dhammaadka September laga yaabo in ay sii joogaan waqti dheer ama lagu bedello tiro la mid ah si loo xaqiijiyo  xasiloonada deegaanada ay hadda ku suganyihiin ciidamada ATMIS

Warqadda ay shantaan dal direen ayaa lagu yiri “ Waxaan so xoog leh u taagereeynaa in hakin farsamo lagu sameeyo dhimitaanka ciidamada ATMIS, waxaana ku raacsanahay  Soomaaliya in dalku u baahanyahay in uu helo  tiro ciidan oo ku filan in ay qaadaan mas’uuliyadda amniga”

Qoraalka warqaddaan oo ku taariikhsanaa 23-kii Sebtembar, ayaa intaas raacisay “Ujeedkeenu waa in aan hubinno in Soomaaliya ay fursad u hesho in ay wax ka qabato caqabadaha adag iyadoo aan la dadajin hannaanka kala guurka ee amniga,”

Dowladahaan ayaa sheegay in haddii ay sii jooogaan Soomaaliya loo baahnaa doono dhaqaale lagu taageerayo ciidmada howlgalka ku jira.

“Waxaa naga go’an inaan la shaqeyno Soomaaliya iyo dowladaha saaxiib la ah si aan u helno taageerada maaliyadeed ee loogu  baahan yahay howlgalkan muhiimka ah.”

Toddobaadkii hore ayey aheyd markii ay Soomaaliya dirtay codsi rasmi ah oo ku saabsan in la hakiyo 3,000 oo askari oo ATMIS ah, taas oo dib u dhigi doonta nidaamka 90-ka maalmood.
Dowladda Federaalka ayaa codsigaan soo jeedisay xilli ay sii kordhayaan weerarada Al-Shabaab ku qaadeyso saldhigyada iyo magaalooyinka dhawaan lagala wareegay oo ay ka mid yihiin weerarkii Xerada Coosweyne iyo Ruun-Nirgood oo lagu dilay askar badan.

Warqadda ay dowladdu dirtay waxaa ku caddeed in hakintaan farsamo ay ka qeyb qaadan doonto mustaqbalka fog nabad waarta iyo xasiloonida Soomaaliya.

Walaacyada kasoo baxaya arrintaan ayaa isa soo taraya, xilli uu billowday wajigii labaad ee bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, iyadoo ugu yaraan 3,000 oo askari lagu wado inay dalka ka baxaan dhammaadka bishaan September

Wajigii koowaad ee dhimista ciidamada ayaa Soomaaliya laga saaray in ka badan 3,000 oo askari, waxaana wajiga labaad uu yahay tallaabadii ugu dambeysay ee dhimista ciidamada, taas oo sahlaysa in gebi ahaanba laga saaro ciidamada ATMIS ee ku harsan dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here