Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ogeysiisay dhiggeeda Uganda in xasaanaddii diblomaasiyadeed iyo dhammaan hab-maamuskii laga qaaday Saafiirka Soomaaliya u fadhiya kampala, Cali Maxamed Maxamuud.
Qoraalka Wasaaradda oo ay Warbaahinta Dawan heshay ayaa caddeynaya in Qunsulkii safaaradda, Cabdiladiif Maxamuud Cali loo igmaday inuu sii ahaado sii haya shaqada safaaradda Soomaalida ee maagalada Kampala.
Lama oga ilaa iyo hadda sababta keentay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay qaadato go’aankaan.