Saturday, July 27, 2024

Jig-jiga oo markii 2-aad martigelineysa xuska maalinta Qowmiyadaha Itoobiya

Jig-jiga (Dawan)- Magaalada Jig-jiga ee caasimadda dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa nasiib u yeelatay in ay mar kale martigeliso xuska maalinta Qowmiyadaha dalka Itoobiya oo sannad kasta laga xuso dalkaas.

Xuska maalintaan ayaa loogu tala galay in lagu xoojiyo isdhex galka iyo midnimada Qowmiyadaha kala duwan ee ku nool dalka Itoobiya, kuwaas oo leh dhaqamo, diimo, luqado iyo soyaal taariikeed oo kala duwan.

Magaalada Jig-jiga ee caasimadda dowlad Deegaanka Soomaalida, ayaa sidaan oo kale u martigelisay munaasabaddaan tobon sano ka hor.

Maamulka dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa dadaal xooggan ugu jira sidii loogu diyaar garoobi lahaa qabashada munasaabddaan, iyada oo la magacaabay guddiyo heer federaal iyo heer deegaan kuwaas oo ka shaqeyn doona dardargelinta iyo fulinta howlaha muansaabaddaan lagu xusayo maalinta Qomiyadaha Itoobiya.

Mas’uuliyiin ka socda dowladda Dhexe ee Itoobiya ayaa soo gaaray Jig-jiga kuwaas oo madaxda deegaanka kala hadlaya meesha ay u marayso qabanqaabada iyo u diyaar garwoga xuska maalinta Qowmiyada oo sannadkaan la xusi doono shan maalin, halka ay markii hore ahaan jirtay laba maalin oo kaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here