Thursday, September 19, 2024

Xisbiga Himilo Qaran oo Madaxweyne Xasan ku eedeeyay kali-talisnimo

Muqdisho (Dawan)- Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii kumeel gaarka ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa ku eedeyay Dowladda in ay ka dambeysay in Warbaahinta Qaranku joojiso baahinta hadalkii uu maanta ka jeediyay Golaha Baarlamaanka.

Halkaan hoose ka akhriso War-saxaafadeed arrintaas ku saabsan uu Xisbigu soo saaray;

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu cambaaraynayaa falka kali-talisnimada ah ee hay’adda fulintu ku amreen Telefishinka Qaranka in ay ka joojiyaan tabinta tooska ah isla markaasna ka saaraan Khudbada Madaxweynihii hore Xildhibaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ka jeediyay Baarlamaanka, maanta oo ay taariikhdu tahay 19/02/2024 , halka xildhibaanada kale ay toos u tabinayeen.

Dowlad wanaaga ayaa na fareysaa in warbaahinta qaranku ay ahaato mid u dhaxeyso Shacabka iyo Masuuliyiinta kala duwan. Mudane Sheekh Shariif waa dib u asaasihii Telefishinka iyo Raadiyaha Qaranka.

Ficilka maanta ka dhacay Telefishinka Qaranku wuxuu tusaale hordhac ah u yahay qaabka dowladnimo ee uu doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Cabburinta iyo dulqaad la’aanta kala ra’yi duwanaantu waa astaamaha kali-talisnimada.

Ugu dambeyn, Taleefishinku wuxuu wataa magacii Qaranka, wuxuuna u dhexeeyaa shacabka Soomaaliyeed oo dhan, Shacab iyo siyaasi, Mucaarad iyo Muxaafid, waana isha kaliya ee la rabay in ay baahiso aragtiyada kala duwan, waa wax aad u foolxun in laga baahiyo oo kaliya ammaanta iyo gurbaan garaaca Madaxweynaha markaa talada haya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here