Friday, October 18, 2024

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiiska dhanka sharciga ah

Qatar (Dawan)- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya, Xasan Macalin oo booqasho ku jooga dalka Qatar ayaa kulan la qaatay Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka Qatar Ibraahim bin Cali.

Intii lagu guda jiray kulanka laba geesoodka ah, waxaa la isla lafa guray xiriirka iskaashi ee dhanka Hay’adaha Garsoorka ah ee ka dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar iyo sidii loo xoojin lahaa, loona horumarin lahaa.

Kulanka kadib, labada Wasiir waxa ay qalinka ku duugeen heshiis iskaashi oo dhanka sharciga ah.

Wasaaradda Cadaaladda Qatar oo bayaan soo saartay ayaa sheegtay in heshiiskaan looga golleeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee dhinacyada kala duwan ee sharciga, sida is dhaafsiga khibradaha iyo hab dhaqanka guud ee dhinacyada tababarada sharciga iyo garsoorka.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya iyo wafdigii la socday ayaa markii uu soo idlaaday kulanka waxa ay kormeer ku tageen qeybaha kala duwan ee Wasaaradda Cadaaladda dalka Qatar iyaga oo dhageystay warbixin ku saabsan khibradda ay Dowladda Qatar u leedahay dhanka tababarada iyo sharciyada hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn

Wafdiga Soomaaliya ayaa sidoo kale wax laga tusiyay khibradda Dowladda Qatar ee dhinacyada diwaangelinta hantida ma guurtada ah, dukumentiyada iyo adeegyada sharci ee ay Wasaaradda Caddaaladdu u fidiso shacabka.

Xiriirka Soomaaliya iyo Qatar

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa billaawgii bishaan February u dabaal degay sannad guuradii 50-aad ee kasoo wareegtay markii ay labada Dowladood yeesheen xiriir diblomaasi oo rasmi ah, taariikhdu marka ay ku beegneed 3-February-1974-tii.

Xiriirka ka dhaxeeya labada dhinac ayaa isagu jira dhinacyo kala duwan , sida arrimaha siyaasadda, iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga, gargaarka bini’aadantinimo iyo horumarinta maalgashiga.

Xiriirka Soomaaliya iyo Qatar oo ah mid taariikhi ah, wuxuu ku saleysnaa tan iyo markii uu billaawday tiirar aasaasi ah oo ka tarjumaya mabda’a iskaashiga dhinacyada kala duwan, xiriir walaaltinimo oo xooggan, iyo isku xirka iyo xoojinta dhaqanka ay wadaagaan labada shacab.

Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxay Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Qatar, xiriirka ka dhaxeeya labada Dowladood ayaa xoogeystay iyada ay sabab u ahaayen laba arrin oo kala ah;

1- Taageerada aan kala joogsiga lahayn ee ay Dowladda Qatar la garab taagneed Soomaaliya, iyada oo ka kaalmeysa dhinacayda amniga, xasiloonida, kobaca dhaqaalaha, barnaamijka deyn cafinta, taageeridda mashaariicda horumarinta, gargaarka bini aadantinimo iyo dayactirka xarumaha Dowladda.

2- Iskaashiga xoogan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar marka la joogo masraxyada caalamiga ah ee lagu jaan gooyo siyaasadaha caalamiga ah iyada oo la eegayo danaha labada shacab ee Soomaaliya iyo Qatar.

Safaaradda Soomaaliya waxa ay sheegtay in ay xiriirka diblomaasi ee 50 jirsaday uu muujinayo sida ay uga go’an tahay labada dal kor u qaadista xiriirkooda iyo dhisidda iskaashi ku saleysan dano guud oo ay ka wada faa’iideystaan labada shacab ee walaalaha ah

Dowladda Qatar waxay kaalin weyn ka qaadataa dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bini’aadanimada.

Dowladda Qatar ayaa ku guulaysatay bishii May 2021, dhex-dhexaadinta dib u soo celinta xiriiirkii Soomaaliya iyo Kenya, oo xilligaas mugdi soo kala dhax gelay.

Dhammaadka bishii January ee sannadkaan ayay ahayd markii Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh uu ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalanjabinayeen saraakiil ka tirsan ciidamada cirka ee dalalka Soomaaliya, Qatar iyo Urdun, kuwaas oo tababarka dhanka Taakuleynta Ciidanka Cirka uu uga soo dhamaaday Qatar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here