Saturday, July 27, 2024

M/W Xasan oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee Kenya

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Kenya u fadhi doona Muqdisho, Cyprian Kubai Iringo.

“Danjire Cyprian Kubai oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud soo gaarsiiyey salaan iyo farriin uu kaga siday Madaxweynaha dalkiisa Mudane William Ruto ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyed uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran, waxa uuna xusay in uu ka shaqeyn doono adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal”. ayaa lagu yiri, qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee Villa Somalia

Villa Somalia waxa ay intaas raacisay in Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu hambalyeeyey Danjiraha xilka loo igmaday isaga oo u rajeeyey in uu ka miro dhaliyo sidii uu xaqiijin lahaa gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed, waxa uuna xusay ahmiyada ay u leedahay Soomaaliya iyo Kenya iskaashi wadajir ah oo ku salleysan danaha labada dowladood iyo guud ahaan Gobolka.

Cyprian Kubai Iringo waa diblumaasi Kenyan ah, waxa uu ahaa xubin ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ee Kenya isaga laga soo doortay degaanka Igembe Central Constituency kadib markii uu taageero ka helay Xisbiga Orange Democratic Movement (ODM) iyo Isbahaysiga CORD.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa usoo magacaabay Cyprian Kubai Iringo safiirka Kenya u fadhin doona Soomaaliya bishii October 2023, isaga oo beddelaya safiirkii hore ee Kenya, Thomas Chepkuto

Kenya iyo Soomaaliya ayaa wadaaga xiriir soo jireen ah , iyaga oo iska kaashada dhinacyo badan oo muhiimka ah, gaar ahaan amniga, ganacsiga, siyaasadda iyo waxbarashada.

Kenya ayaa ka mid ah dalalka ay ciidamada nabad ilaalintu ka joogaan Soomaaliya , waxayna si firfircoon uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here