Thursday, September 19, 2024

Kenya: 3 arday oo ku dhimatay shil ka dhacay Murang’a

Nairobi (Dawan)- Saddex ka mid ah ardayda Dugsiga Hoose Dhexe ee Maadili Junior School ayaa shil ku geeriyooday ka dib markii Baskii ay la socdeen uu ku gadoomay aagga Kawatera ee waddada u dhexeysa Gitugi- Murang’a ee ismaamulka Murang’a ee dalka Kenya.

Sida ay sheegtay Warbaahinta gudaha Kenya, gaariga Baskaah ee gaddoomiya, waxaa saarnaa 38 arday ah ,3 Macallimiin iyo labo darawal ah oo Dugsiga dib ugu laabanayay waxayna ka yimaadeen ismaamulka Nyeri.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in hal arday oo ku geeriyooday isla goobta uu shilka ka dhacay iyadoo labada kalena ay dhinteen inti isbitaalka loo sii waday, si looga daaweeyo dhaawacyo soo gaaray.

Waxaa Isbitaalada la geeyay si caafimaadkooda loola tacaalo 5 arday oo ay soo gaareen dhaawacyo culus.

Barasaabka ismaamulka Murang’a ,Irung’u Kang’ata ayaa ballan qaaday in ardayda ku dhaawactay shilka ee hadda lagu daweynayo isbitaalka wayn ee Murang’a ay heli doonaan daryeel caafimaad oo tayo leh.

Dalka Kenay ayaa ku jira dalalka ugu shilalka badan Africa, waxaana sannadkii ku dhinta ku dhawaad 4,000 oo qof.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here