Monday, May 20, 2024

Maxaa u qabsoomay DDS tan iyo markii uu isbeddelku ka dhacay Itoobiya?

Jig-jiga (Dawan)- Waxaa qoray Madaxweynaha DOwlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxummed Cumar.

Waxaa marag ma doon ah in isbadlalkii kadib wax badan laga qabtay amniga, xorriyadda, karaamadda muwaadinka, dhiirigelinta ganacsiga xorta ah, kor u qaadida diinta iyo akhlaaqda bulshada, midnimadda hoggaaminta, ka qayb galka siyaasadda, dhaqaalaha dalka, adkeeynta xidhiidhka deegaanka iyo dariska kala duwan.

Waxaa iyana marag ma doon ah in mashaariic dhanka horumarka ah oo mug leh oo nolosha shacabka wax ka beddlay deegaanka laga hirgaliyay, iyadoo waliba ay jireen duruufo dhaqaale oo dalka soo wajahay, saameeyayna awoodda fulineed ee Dowladda Deegaanka.


Shalay hadii muranku ahaa away miisaaniyadii iyo horumar majiro, maanta waxaa xaqiiq ah in dooddu tahay horumar wuu jiraa balse meel heblaayo hala gaadhsiiyo!

Sidoo kale inkasta oo uu jiray kufaa-kac, hadana waxaa hadda biloow fiican ka jiraa nidaam ku shaqeeynta, isla-xisaabtanka, cadcadaanta, maamulka miisaaniyadda, iyo hagaajinta nidaamka iibka iyo shaqaaleeysiinta.

Waxaa iyana hubaal ah in Xukuumaddu mar walba dhagaysanaysay tabashooyinka shacabka, iskuna xilqaamaysay ka jawaabidda su’aalaha shacabka.

Hadaba waxaa hadda jira su’aalo la xidhiidha caqabadaha ganacsiga, iyo hoos u eegidda meelaha baahiyaha horumarineed ee shacabku soo noqnoqonayeen ee aan wali jawaab fiican helin. Su’aalahaas hadda taagan xukuumaddu waxay u aragtaa kuwo mudan in jawaab laga bixiyo.

Waxaa socda dadaalo ku wajahan sidii xal loogu heli lahaa tabashoooyinka suuq-geeynta xoolaha iyo sahlidda ganacsiga xuduudaha.

Waxaa kale oo qorshuhu yahay in la bilaabo mashaariic wax ka beddala nolosha degmooyinka baahidda soo noqnoqotay ee dhanka Jidadka, Isgaadhsiinta, Caafimaadka iyo Biyuhu ka jiraan, kolba sida duruufaha miisaaniyadeed ay saamaxaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here