Friday, October 18, 2024

Xasan Sheekh: Waxaan ku jirnaa dagaal argagixiso mid kalena ma rabno

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyey Telefeshinka TRT ayaa ka war bixiyey ahmiyadda heshiiska Sooomaaliya la gashay Turkiga ee badda iyo faa’iidada uu u leeyahay Soomaaliya marka la eego ilaalinta xeebaheeda.

Madaxweynaha oo ka jawaabayay su’aal ahayd kaalinta uu heshiiskaasn ka qaadan doono amniga Soomaaliya iyo xasiloonida Geeska Afrika, ayaa sheegay in heshiisku uu yahay mid isa saaran oo ah difaac iyo dhaqaale, waxa uuna tilmaamay in heshiiskaan uu Soomaaliya u leeyahay faa’iido badan oo ay ka mid tahay in ay iska difaacdo khataraha dibadda uga imaanaya, kallumeysiga sharci darrada ah iyo falalka argagixisada ah.

Madaxweyne Xasan waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ku tiirsan taageerada Turkiga tan iyo 2011, iyada oo ay Dowladda Turkiga kaalin mug leh ka qaadatay sannadihi lasoo dhaafay in Soomaaliya ay kusoo laabato saaxadda caalamka.

Madaxweynaha ayaa yiri, “Turkigu wa dal istiraatiiji u ah diblomaasiyadda caalamka, sidoo kalena taageera dalalka Muslimka ee saboolka ah. Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalkaas”

Mar la weydiiyay Madaxweynaha su’aal ahayd, in Turkigu kaalin ka qaadan karo sidii loo xallin lahaa xasaradda ka dhax taagan Soomaaliya iyo Itoobiya, waxa uu Xasan ku jawaabay.

Soomaaliya waxay furtay albaab kasta oo diblomaasiyadeed, tillaabo kasta oo diblomaasi ah oo arrintan lagu xallinayo. Ma rabno inaan dagaal la galno Itoobiya. Dagaal nagu filan ayaa ku jirnaa. Waxaana ku jirnaa dagaal oo ka dhan ah argagixisada. Mid kale ma rabno. Ma doonayno inaan dagaal kale aadno.

Madaxweynaha Xasan waxa uu xaqiijiyay in Dowladda Soomaaliya ay rajeaneyso in ay ka hesho Dowladda Turkiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano (drones) si ay ciidamada Soomaaliya ugu adeegsadaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha dagaalka kula jira.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here