Washington (Dawan)- Maalinta loo yaqaano “Super Tuesday” waxa ay uga dhigantahay dadka Mareykanka maalin weyn oo ahmiyad gaar ah u leh doorashooyinka madaxtinimo ee dalkaas.
Maxay tahay Super Tuesday ?
Super Tuesday waa maalin muhiim u ah doorashooyinka Mareykanka, waana maalinta aan ku tilmaami karno maalinta kala miiranka, iyadoo 16 gobol, oo ay ku jiraan California, Texas, Massachusetts iyo Virginia, ay ka dhacayaan doorashooyinka hordhaca ah ee ay xisbiyadu kusoo dooranayaan musharrixiintooda madaxtinimo ee doorashada soo socota.
Waa maalinta kala baxa ee ay caddaaneyso musharrixiinta u tartami doona labada xisbi ee dalka Mareykanka doorashada madaxtinimo ee soo socoto.
Doorashooyinka hordhaca ah waxay ujeedadoodu tahay in ergooyinka ka qeyb gelaya shirweynaha guud ee xisbiga ay si rasmi ah u doortaan musharraxa xisbiga ku meteli doona doorashada madaxtooyada, waxaana hal maalin “Super Tuessday” ay doorashadu ka dhici doontaa 15 gobol.
Gobolladdaas ayaa kala ah Alabama, Alaska, Arkansas, California, Colorado, Maine, Massachusetts, Minnesota, North Carolina, Oklahoma, Tennessee, Texas, Utah, Vermont iyo Virginia.
Codbixintu waxay sidoo kale ka dhici doontaa Dhulka Koonfurta Baasifigga ee Samoa, oo ka mid ah qeybaha shanta ah ee dhulka Maraykanka.
Musharrixiinta madaxtinimada Mareykanka ee la filayo
Tartanka xisbiga Jamhuuriga ayaa ku billaawday 11 musharrax, kuwaasoo labo murashax oo kaliya ay gaareen maalinta kala baxa ee “Super Tuesday” kuwaas oo kala ah madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump iyo barasaabkii hore ee South Carolina Nikki Haley, kaddib markii ay musharraxiinta intooda kale ay tanaasuleen toddobaadyadii iyo bilihii lasoo dhaafay.
Natiijadii doorashooyinkii ka dhacay 9 gobol ayaa durbaba muujinaya in Trump uu si weyn uga horeeyo, maadaama uu ku guuleystay inta badan , isagoo gaaray 40 dhibcood gobolada qaar.
Dhinca kale, marka la eego xisbiga Dimuqraadiga ma jiro musharrax soo garab istaagi kara madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, sidaas darteed doorashada soo socota waxaa mar kale la filayaa in ay iska hor imaan doonaan Trump iyo Biden.
Xisbiga Jamhuuriga ayaa shirweynihiisa guud qaban doona inta u dhaxeysa 15-ka ilaa 18-ka July ee soo socota, kaas oo ka dhici doonaa magaalada Milwaukee ee gobolka Wisconsin, si uu si rasmi ah ugu dhawaaqo musharraxa ku tartami doona magaca xisbiga.
Dhanka kale, xisbiga Dimuqraadiga. wuxuu qaban doonaa shirweynihiisa guud inta u dhaxeysa August 19 iyo 22 kaas oo ka dhci doona magaalada Chicago ee Illinois.
Doodaha musharrixiinta iyo doorashada
Sida caadada ah ka ah dalka Mareykanka, waxaa dhax mari doona musharrixiinta u tartameysa madaxtinimada 3 doodood, iyada oo hal dood ay dhax mari doonto musharrixiinta u taagan xilka madaxweyne ku xigeenka.
Doodahaas ayaa dhacaya bilaha September iyo October, kadibna doorashada ayaa la geli doona 5-ta November 2024-ka, iyada oo ku guuleystaha madaxtinimada Mareykanka la caleema saari doono Subaxnimada 20 January ee 2025.
Donald Trump maka aarsan doona Joe Biden mise mar kale ayuu guul darreysan doona?