Saturday, July 27, 2024

R/W Xamse oo xalliyay xiisad ka taagneed garoonka diyaaradaha Muqdisho

Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa booqasho ku tegay garoonka dayaaradaha Aaden Cadde ee Muqdisho, si uu u xalliyo xiisad ka taagneed labadi maalin ee lasoo dhaafay.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku amray wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maamulka Garoonka iyo Shirkadaha Dayaaradaha inay si deg deg ah u qaadaan dadka rakaabka ee sugayay safaradooda”. ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay xafiiska xukuumadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa muujiyay sida ay uga xuntahay xukuumaddiisu dib u dhaca iyo dhibaatada ay la kulmeen dadweynihii doonayay inay safraan maanta iyo shalay, waxa uuna ballan qaaday in aysan arrintaan soo laaban doonin mar kale.

Xiisadda ka taagneed garoonka dayaaradaha Aaden Cadde ee Muqdisho ayaa ahayd in dadweynuhu diideen kordhin lagu sameeyay qarashaadka laga qaado dadka safarka ah, taas oo keentay inuu hakad ku yimaado duulimaadyadii kala duwanaa iyo shaqadii garoonka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here