Friday, October 18, 2024

Bannaanbax lagu taageerayo dhamaystirka Dastuurka oo ka socda Muqdisho

Muqdisho (Dawan)- Waxaa magaalada Muqdisho ka socda bannaanbax lagu taageerayo dhamaystirka Dastuurka oo khilaaf xoogan ka dhashay maalmaahihii ugu dambeeyay kadib markii Baarlamaanku billaabay ka doodista wax ka bedelka lagu sameeyay qaar ka mid ah cutybyada si loo ansixiyo.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo qabanqaabiyay bannaanbaxa iyada oo kasoo qeyb galeen mas’uuliyiin ka socday laamaha kala duwan ee dowladda iyo boqolaal dadweyne.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in la gaaray xilligii la dhamaystiri lahaa Dasruurka , isaga oo ugu baaqay siyaasiyiinta qaba aragtida kale in ay fikradahooda kusoo bandhigaan kulamada Baarlamaanka.

Guddoomiyaha ayaa xusay in dadka deggan Muqdisho in ay muujiyeen rabitaankooda ku aaddan dhamaystirka Dastuurka iyo sida ay u garab taaganyihiin hay’adaha ku shaqada leh arrimaha Dastuurka.

“Maamul Goboleedyada waxaa wakiil ka ah Aqalka Sare, Shacabkana waxaa wakiil ah Golaha Shacabka, iyaga ayuu dhax yaal Dastuurku, iyaga ayaa ka doodaya, haddii ay diiidaan waan arkaynaa, haddii ay ogolaadaana waa arkaynaa” ayuu yiri, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa bog cusub ka geli doona taariikhda dalka haddii uu ku guuleysto inuu ansixiyo wax ka bedelka Dastuurka kumeel gaarka ah ee dhameystirkiisu soo jiitamayay muddada dheer.

Baarlamaanka ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka doodayay dhameystirka Dastuurka kumeel gaarka ah gaar ahaan cutubyadiisa 1-aad, 2-aad, 3-aad iyo 4-aad si ugu dambeyn loo ansixiyo Dastuur rasmi ah uu dalku yeesho.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baaralamaanka oo ay hor kacayaan Madaxweynayaalkii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hor yimid hannaanka loo marayo isbedelka Dastuurka, waxeyna sheegeen inuu halis ku yahay dowladnimada iyo midnimada dadka Soomaaliyeed.

War-saxaafadeed ay labada Madaxweyne kasoo saareen magaalada Garoowe ayay ugu baaqeen Guddoonka iyo Xubnaha Labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay ka fogaadaan wax kasta oo kala qeybinaya midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, ayna ka joogsadaan hannaanka aan waafaqsanayn sharciga ee lagu bedelayo dastuurka dalka.

Sidoo kale, waxey Madaxweyne Xasan Sheekh usoo jeediyeen inuu kusoo laabto jidka sharciga iyo wadar-ogolka, ilaaliyana dastuurka uu isagu u dhaartay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here