Saturday, July 27, 2024

Leverkusen oo marki ugu horeysay ku guuleysatay Bundesliga

Munich (Dawan)- Bayer Leverkusen ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay horyaalka Bundesliga ee dalka Jarmalka tan iyo markii la aasaasay 120 sano ka hor, kaddib markii ay 5-0 ku garaacday kooxda Werder Bremen, kulnka 29-aad ee horyaalka.

Leverkusen ayaa ku guuleysatay horyaalka 5 kulan ka hor dhamaadka tartanka, taasoo soo afjartay awooddii Bayern Munich ee Bundesliga ee ay si isdaba joog ugu guuleysaneysay 11 xilli ciyaareed.

Florian Wirtz oo bedel ku soo galay ayaa noqday xiddigga ciyaarta kadib markii uu dhaliyay goolasha loo yaqaano (hat-trick) ee seddexleyda aH daqiiqadihii (68, 83 iyo 90), labada gool ee kale waxaa kala dhaliyay laacibka reer Nigeria Victor Boniface (25 rigoore) iyo Granit Xhaka daqiiqaddii (60).

Leverkusen oo aruursatay dhibca gaaraya 79 dhibcood ayaa iska ilaalisay in dhinaceeda dhulka la dhigo tan iyo markii uu billaawday xilli ciyaareedkaan, waxeyna 16 dhibcood ka horeysa kooxda Bayern Munich oo ku jirta kaalinta 2-aad

Marka la eego hooryaalada ugu waaweyn qaaradda Yurub, horyaalka Germany ayaa ah horyaalka kaliya ee la xaqiijiyay kooxda ku guuleysatay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here