Friday, October 18, 2024

Soomaaliya oo soo dhaweysay qaraarka Golaha Ammaanka ee xabbad joojinta Gaza

Muqdisho (Dawan)-Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo ku baaqaya xabbad joojin degdeg ah oo ka hirgasha Marinka Gaza, ee Falastiin, taas oo muujineysa tallaabo loo qaaday dhanka nabadda iyo xasilloonida gobolka.

“Soomaaliya waxay si adag ugu ololaynaysaa in la soo afjaro colaadda Marinka Gaza, in si nabad ah dadka barakacayaasha ah loogu celiyo guryahoodii, iyo xaqiijinta xal ay ku wada noolaan karaan labada dal. Xaqiijinta nabadda iyo amniga gobolka waxaa lagu heli karaa wada hadal dhab ah iyo is ixtiraam,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in Soomaaliya ay ku boorrisay dhammaan dhinacyada ay khuseyso in si adag loo taageero sidii uu u guuleysan lahaa qaraarkan.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintii meelmariyay qaraar ku baaqaya in xabbad joojin laga hirgeliyo Marinka Gaza inta lagu jiro bisha Ramadaan, iyada oo ay 14 dal ayaa u codeeyeen qaraarka halka ay dowladda Mareykanku ka aamustay.

Qoraalka rasmiga ah ee qaraarku waxa uu dhigayaa, in dhinacyada is dagaalaya ay u hoggaansamaan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah ee la xiriira ilaalinta dadka ay kala heystaan.

Tan iyo 7-dii October, ciidamada Israa’iil waxa ay Marinka Gaza ka wadaan dagaal ba’an oo sababay dhimashada tobanaan kun kuwaas oo u badan carruur iyo haween, sida ay sheegeen warbixinada caalamiga ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here