Saturday, July 27, 2024

Bassiroe Faye oo noqday m/weynihi 5-aad ee Senegal

Dakar (Dawan)-  Xisbiga haya talada dalka Senegal ayaa si rasmi ah u qirtay in looga guuleystay doorashadii madaxtinimo ee dalkaas ka dhacday 24-kii bishaan March.

Musharraxa Isbaheysiga mucaaradka, Bassiroe Diomaye Faye (44 jir) ayaa guul weyn soo hooyay kadib markii uu wareegi koowaad ku xaqiijiyay inuu helo codadka u suurta gelinaya inuu noqdo madaxweynihi 5-aad ee dalka Senegal, sida ay muujinayaan natiijooyinka hordhaca ah.

Madaxweynaha xilka ka degaya Macky Sally ayaa ugu hambalyeeyay Diomaye Faye guushii uu ka gaaray doorashada wareegii koowaad, isaga oo tilmaamay in arrintaan ay ka dhigantahay guul u soo hoyatay dimoqraadiyadda Senegal, waxa uuna bogaadiyay jawiga ay doorashadu kusoo dhamaatay.

Madaxweynaha la doortay waxaa horyaala caqabado dhowr ah, waxaana laga doonaya inuu wax ka qabto shaqa la’aanta ka jirta dalka ee keentay in dhallinyaro badan u tahriibaan qaaradda Yurub.

Madaxweynaha da’da yar ayaa laga sugaya inuu bog cusub u furo xaaladda dalka Senegal oo saddexdii sano ee lasoo dhaafay ku jiray jahwareer siyaasadeed, waxaana la filaya inuu taageero lixaad leh ka helo siyaasiga rug caddaaga ah ee Ousmane Sonoko oo awood badan ku leh gudaha Senegal sidoo kalena ku xeel dheer sida loo kiciyo dareenka dadweynaha.

Doorashada madaxtinimo ee dalka Senegal ayaa loo arkaa mid leh muhiimad gaar ah, maadaama ay Senegal ka mid tahay dalalka ugu xasiloon galbeedka Afrika, oo caan ku ah afgambi iyo qalalaase siyaasadeed.

Senegal ayaa xiriir xoogan la leh dalalka reer galbeedka halka Ruushku uu sii xoojinayo saameynta uu ku leeyahay dalalka ku yaal galbeedka Afrika.

Doorashada Senegal ayaa qorsheysneed in ay dhacdo 25-kii February ee lasoo dhaafay, balse dib ayaa loo dhigay taas oo keentay rabshado dhaliyay dhimashada 4 qof iyo dhaawaca dad kale.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here