Friday, October 18, 2024

Soomaaliya oo ergay cusub u magacaawday Ururka Islaamka

Jeddah (Dawan)- Ergayga cusub ee Soomaaliya u magacaawday ururka iskaashiga Islaamka, Cabduqaadir Macallin Nuur ayaa warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay Xoghayaha guud ee ururka Xuseen Ibraahim Daaha.

Cabduqaadir Macallin Nuur ayaa bedeli doona Ergaygi hore ee Soomaaliya u fadhiyay ururka iskaashiga Islaamka, Ibraahim Aadan Muuse oo mudda xileedkiisi dhamaaday.

Ergayga cusub iyo Xoghayaha guud ee ururka iskaashiga Islaamka ayaa kawada hadlay sidii loosii dardargelin lahaa wada shaqeynta xoogan ee ka dhaxeysa Ururka iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo sidoo kale isla soo qaaday xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo guud ahaan gobolka.

Xoghayaha ururka iskaashiga Islaamka ayaa si diiran usoo dhoweeyay Ergayga cusub ee Soomaaliya u qaabilsanaan doona Ururka, wuxuuna u rajeeyay in uu ku guuleysto howsha loo igmaday, isaga oo ballan qaaday sii xoojinta taageerada ururuka ee Soomaaliya.

Ururka Iskaashiga Islaamka waa ururka labaad ee ugu weyn dunida marka laga soo tago Qaramada Midoobay, iyada oo ay xubin ka yihiin todoba iyo konton waddan, wuxuuna matalaa codka guud ee caalamka Islaamka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here