Saturday, July 27, 2024

Xildhibaano Britain ah oo ku baaqay in la mamnuuco hubka laga iibiyo Israel

London (Dawan)- In ka badan 130 xubnood oo ka tirsan Baarlamaanka Britain ayaa warqad u diray wasiirka arrimaha dibadda David Cameron iyo wasiirka ganacsiga Kimmy Badenoch si loo mamnuuco hubka laga iibiyo Israel, sida uu qoray wargeyska The Guardian.

Waraaqda oo ay ku saxiixnaayeen wakiillo ka socda xisbiyada mucaaradka ah ee baarlamaanka iyo xubno ka tirsan Aqalka Sare ayaa lagu caddeeyay baahida loo qabo in la qaado tallaabo degdeg ah oo lagu joojinayo shatiyada dhoofinta hubka ee Israel.

Xildhibaanada ayaa sheegay in tirada Falastiiniyiinta ee ku dhintay dagaalka ba’an ee Israel ay ku hayso Gaza ay kor u dhaaftay 32,000 oo qof, iyada oo 70% ay yihiin dumar iyo carruur.

Warqadda waxaa lagu xusay in burburka Marinka Gaza uu saameeyay 80% kaabayaasha dhaqaalaha, iyadoo ay u sii dheer tahay khatarta joogtada ah ee macluusha ee ay wajahayaan dadka ku nool Marinka Gaza.

In kasta oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu soo saaray qaraar ku baaqaya xabbad-joojin degdeg ah inta lagu jiro bisha Ramadaan, hadana Israel waxay sii waddaa duullaanka ay ku hayso marinka Gaza.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here