Friday, October 18, 2024

Kenya… Askari isku dilay Ismaamulka Laikipia

Nairobi (Dawan)- Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka Kenya ayaa billaabay baaritaano ku aaddan fal uu naftiisa uga takhalusay mid ka mid ah ciidamada Boliiska oo ka howlgalayay Ismaamulka Laikipia, sida aay sheegtay warbaahinta gudaha ee dalkaas.

Sarkaalka is dilay ayaa lagu magacaabi jiray Andrew Miranyi Gati wuxuuna ka shaqeynayay saldhigga Boliiska ee Magutu.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in meydkiisa laga dhex helay gurigiisa, waxaana jira shaki ah inuu isku toogtay qoriga nooca G3 Rifle oo uu ku shaqeynayay.

Baaritaannada horudhaca ah ayaa muujinaya in Gati uu rasaasta iskaga dhuftay garka hoostiisa .
Waxaa goobta uu falkan ka dhacay laga soo helay qoriga iyo 19 xirmo oo rasaas ah, inkasta oo aysan ilaa iyo hadda caddeyn sababta keentay in uu is dilo.

Is dilka saraakiisha ciidamada ayaa kusoo badanaya dalka Kenya, waxaana la diiwaan geliya bil kasta ugu yaraan saddex dhacdo oo ay isku dilaan saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee dalkaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here