Saturday, July 27, 2024

Turkiga…doorashada dowladaha hoose oo loo dareeray

Ankara (Dawan)- Maanta oo Axad ah muwaadiniinta Turkiga ayaa u dareeray goobaha codbixinta, si ay u kala doortaan musharraxiina u taagan maamulka dowladaha hoose ee 5-ta sano ee soo socota.

Sida uu sheegay Guddiga Sare ee doorashada, waxay codbixintu ka bilaabantay 07:00 xilliga dalkaas 32 gobol oo ku yaalla bariga dalka, waxaana codbixintu ay ku egtahay 16:00, iyadoo 49-ka gobol ee kale ay ka billaabatay 08:00, iyada oo soconaysaa ilaa 17:00.

Tirada codbixiyayaasha ee is diwaan galisay ee xaqa u leh inay ka qaybqaataan doorashada dowladaha hoose ayaa gaareysa 61 milyan, 441 kun iyo 882 codbixiye.

Codbixiyayaashu waxay codkooda ka dhiiban karaan 206,845 goobood oo lagu daray kun sanduuq oo ah nuuca guurguura ah, kuwaas oo loo qaybiyay 81-ka gobol ee Turkiga.

Sanduuqyada codbixinta ee guurguura ayaa loo qoondeeyay dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Doorashadan oo ay ku tartamayaan 34 xisbi ayaa lagu kala saari doonaa magacyada maayarrada 81 gobol, 973 degmo iyo 390 magaalo iyo sidoo kale xubnaha golaha deegaanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here