Friday, October 18, 2024

Eritrea oo sheegtay inay ballaarineyso iskaashiga kala dhaxeeya China

Asmara (Dawan)- Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki ayaa maanta oo Axad ah ku qaabilay Aqalka martida ee Denden Danjire Xue Bing oo ah ergeyga gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika.

Madaxweynaha iyo Ergayga ayaa Wada hadalkooda diiradda ku saaray horumarka laga gaaray xiriirka istiraatijiyadeed ee Eretria iyo Shiinaha iyo sidoo kale arrimaha gobolka iyo caalamka ee muhimadda u ah labada dal.

Madaxweyne Isaias ayaa hoosta ka xariiqay sida ay dalkiisa iyo gobolkaba muhiim ugu tahay nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo Badda Cas, isaga oo carrabka ku adkeeyay sida ay Eritrea uga soo horjeeddo falalka isagu jira dilka iyo burburinta aan loo meel dayin ee ay Israel ka geysatay Marinka Gaza.

Dhanka iskaashiga dhaqaalaha labada dhinac, Madaxweyne Isaias ayaa caddeeyay in dalkiisu soo gabagebeysay dhammaan diyaar garowga lagu ballaarinayo iskaashiga kala dhaxeeya Shiinaha, isaga oo ballan qaaday in Eritrea ay ka qaybgeli doonto Shirmadaxeedka FOCAC ee soo socda kaas oo Beijing ka dhacaya September

Danjire Xue Bing, ayaa dhankiisa muujiyay sida ay dowladda Shiinuhu ugu riyaaqsantahay madax-bannaanida, mabaadi’da iyo siyaasadda dibadda ee Eritrea iyo sidoo kale muhiimadda ay siinayso horumarinta nabadda iyo xasilloonida, gaar ahaan gobolka Geeska Afrika.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here