Sunday, May 19, 2024

Tahriibayaal ay ku jiraan Itoobiyaan oo lagu qabtay Sanaag

Hargeysa (Dawan)- Somaliland ayaa sheegtay in ciidamadeeda ilaalada xeebaha ay gacanta kusoo dhigeen ku dhawaad 200 oo tahriibayaal ah kuwaas oo isagu jira rag iyo dumar.

Sida ay sheegtay warbaahinta rasmiga ee Somaliland, Ciidanka ilaalada xeebaha saldhiga sadexaad ee Gobolka Sanaag ayaa gacanta kusoo dhigay 170 qof oo tahriibyaaal ah iyo doonti ay qorsheynayeen in u raacaan dalka Yemen.

Howlgalkan ay fuliyeen ciidmada ilaalada xeebaha Somaliland ayaa ka dhacay deegaanka Waqadariya xeebaha bari ee Gobolka Sanaag

Dadkii lasoo qabtay oo ay ku jiraan muwadiiniin Itoobiyaan ah ayaa lagu xiray Saldhiga ciidanka ilaalada xeebaha ee Gobolka sanaag, waxaana lagu wareejin doona hay’adaha ay quseyso kadib marka la dhameeyo baaritaanada lagama maarmaanka ah.

Ciidanka ilaalada xeebaha Somaliladn ayaa waday labadii bilood ee u dambeeyey hawlgalo lagu sugayo amniga badda iyo la dagaalanka burcad badeedka , argagixisada, kaluumaysiga sharci darrada ah iyo tahriibka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here