New York (Dawan)- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu kulan degdeg ah ka yeesho maanta oo Axad ah weerarka ay Iran xalay ku qaaday Isarel.
15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa la qorsheeyay in ay kulmaan 4-ta galabnimo ee waqtiga New York, sida ku cad jadwal la soo saaray oo lala wadaagay warbaahinta.
Telefeshinka Iran ayaa sheegay fiidnimadii Sabtida in ciidamada ilaalada kacaanka ay bilaabeen howlgal dhanka cirka ah oo ay ku qaadeen goobo ka tirsan Israel iyada oo la adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iiyo gantaalo.
Tillaabada Iran oo ah weerarkii ugu horreysay ee ay ka qaaddo dhulkeeda iyada oo aan u marin xulafadeeda gobolka, waxeyna uga jawaabeysaa duqeyntii ay Israel la beegsatay qunsuliyada Iran ee Dimishiq horraantii bishan April kadibna ay ku dishay 7 xubnood oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran, oo uu ku jiro General Maxamed Reda Zaahidi
Israel si rasmi ah uma aysan qiran dilka Zaahidi, balse sidoo kale ma aysan dafirin mas’uuliyadda dilka.
Weerarka ay Iran xalay ku qaaday Isarel ayaa saameyn ku yeeshay Bariga Dhexe, waxaana istaagay qaar ka mid ah duulimaadyada dalalka Carabta, iyada oo ay qaarkood ay xireen hawadooda.
Waxaa isa soo taraya baaqyada dowladaha caalamaka ee ka digaya inuu ballaarto dagaalka Bariga Dhexe, waxaana labada dhinac lagula taliyay in ay xaaladda qaboojiyaan, si looga baaqsado dhibaato culus.