Sunday, May 19, 2024

Waa kuma Fiqi, Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya ?

Muqdisho (Dawan)- Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya ayaa Sabtidii si rasmi ah xilka ula wareegay, ka dib magacaabistiisi 7-dii bishan April, isagoo kasoo wareegsanaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha uu hoggaaminayay ku dhawaad laba sano.

Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa bannaanaa tan iyo horaantii December 2023, markii Abshir Cumar Haruuse is casilay si uu ugu tartamo madaxtinimada Puntland

“Wasaaradda arrimaha dibadda oo ah hoggaanka diplomaadiyadda Soomaaliya waxaan ku raja weynahay in hawshii iyo dadaaladii socday aan sii laba jibaari doono, dalkeena iyo masaalixdiisana aan sida ugu wacan u matali doono” ayuu yiri, Fiqi kadib markuu la wareegay xilka

Waa kuma Axmed Macallin Fiqi?

Axmed Macallin Fiqi, waxa uu ku dhashay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug sannadkii 1971-kii, waxa uu ku barbaaray, kuna soo qaatay waxbarashadiisa asaasiga ah magaalada Muqdisho.

Fiqi ayaa arday ka ahaa Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii, kadibna waxa uu u safaray Suudaan iyo Malaysia si uu sii dhameystirto waxbarashadiisa sare.

Axmed Macallin Fiqi ayaa noqday burburkii dowladdii dhexe kadib Safiirkii ugu horeeyay ee Soomaaliya u fadhiya dalka Suudaan sanadihii 2010 ilaa 2011.

Kadib waxaa loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA 2011 ilaa 2013, xilligaas oo ahayd markii Dowladda Soomaaliya ay taageero buuxda ka heshay Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, laguna guuleystay in Al-Shababaab laga saaro caasimadda Muqdisho.

Sannadkii 2016-kii waxa uu Fiqi u tartamay xilka Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee Soomaaliya, balse si dirqi ah ayaa looga guuleystay, waxaana markii dambe laga dhigay Wasiirka Amniga Galmudug illaa uu xilka iska casilo October 2021.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sannadkii 2022 ka mid noqday Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, waxaana lagu tiriyaa inuu saaxiib dhow la yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo noqday Wasiirka arrimaha gudaha magacaabistii ugu horeysay ee Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Fiqi ayaa noqonaya madaxa diblomaasiyadda Soomaaliya xilli dalku uu wahayo xasaradda ka dhalatay heshiiski ay Itoobiya la gashay Somaliland billaawgii sannadkan si ay hesho 20 KM oo ka mid xeebaha Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here