Friday, October 18, 2024

Dowlad Goboleedyada oo saaraya go’aan ay ku diidayaan wax ka bedelka Dastuurka

Muqdisho (Dawan)- Dowlad Goboleedyada ayaa lagu wadaa in ay soo saaraan go’aan ay si wada jir ah ugu diidayan hannaanka loo maray wax ka bedelka lagu sameeyay cutubyada ugu horeeya ee Dastuurka.

Warar lagu kalsoonyahay oo uu Dawan TV helay ayaa xaqiijinaya in Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ay dhawaan soo saari doonaan war-murtiyeed wadajir ah oo ay ku diidan yihiin wax ka bedelka Dastuurka iyo hannaanka loo maray.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 31-kii bishii March saxiixay nuqulka rasmiga ah ee afarta cutub ee ugu horeysa dastuurka kadib markii uu ansixyay Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa Gole.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhameystirka dastuurka uu yahay aasaaska horumarinta dimoqraadiyadda, sinnaanta dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo xoojinta dhismaha hay’adaha dowliga ah.

Marka la eego Dowlad Goboleedyada, Puntland oo kaliya ayaa hore u shaacisay in ay ka hortimid go’aankii uu Baarlamaanka ku ansixiyay wax ka bedelka dastuurka, waxeyna sheegtay in ay aqoonsiga iyo kalsoonida kala laabtay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland, Maxamuud Ceydiid Dirir oo la hadlay Warbaahinta Dawan ayaa sheegay in go’aanka ay qaadatay Dowladda Federaalka uu ka dhiganyahay in la jebiyay dhammaan qodobadii ay umadda Soomaaliyeed ku ahayd heshiis sannadihi lasoo dhaafay ee lagu ilaalinayay midnimada dalka iyada oo loo marayo nidaamka ku dhisan Federaalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here