Saturday, July 27, 2024

Ma qabsoomi doonaa Shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka?

Muqdisho (Dawan)- Madaxtooyada Soomaaliya ayaa madaxda Dowlad Goboleedyada ugu yeertay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo 20-ka iyo 21-ka bishaan ka dhacaya Muqdisho.

Warqadda casuumadda oo ay heshay warbaahinta Dawan Media ayaa ku socotay madaxweynayaalka shanta Dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho.

Ajandaha Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ah Dhameytirka Dastuurka iyo la dagaallanka Argagixisada.

“Mudanayaal Madaxweynayaal salaan dirran ka dib, waxaa sharaf ii ah in aan idin ku casuumo in aad ka soo qeyb-gashaan Shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka oo ka dhici doona Muqdisho inta u dhaxeeysa 20-ka illaa 21-ka Abril 2024” ayaa lagu yiri, casuumaadda loo diray Dowlad Goboleedyada.

Arrinkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo kulamo ay madaxda dowlad goboleedyadu ku yeelanayaan Nairobi iyo Abu Dhabi kuwaas oo ka dhan ah arrimaha wax ka bedelka dastuurka.

Sidoo kale, Warar lagu kalsoonyahay oo uu Dawan TV helay ayaa xaqiijinaya in Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ay dhawaan soo saari doonaan war-murtiyeed wadajir ah oo ay ku diidan yihiin wax ka bedelka Dastuurka iyo hannaanka loo maray.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here