Garissa (Dawan)- Guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha ee Kenya, Erick Ruto ayaa ku dhawaaqay in ay qorsheynayaan in caanaha geela loo dhoofiyo dalka Shiinaha kadib marki ay ka heleen dalabaad la xiriira arrintaas.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in Shiinuhu dalbaday sagaal milyan oo litir oo caanaha geela ah sanad walba, waxaana kasoo xaroon doona lacag dhan 5.2 bilyan oo shilinka Kenya ah.
Hadalkan ayuu Guddoomiyuhu ka sheegay munaasabad ka dhacday magaalada Gaarisa oo lagu daah furayay qorshaha istaraatiijiyadeed ee afarta sano ee rugta ganacsiga iyo warshadaha Kenya iyo waaxda warshadaha ee Garissa.
Tillaabadan ayaa loo arkaa in ay fursad ganacsi oo muhiim u tahay xoola dhaqatada ku nool gobolka Waqooyi-Bari ee Kenya, waxaana loogu baaqay in ay ku dadaalaan sidii ay u dabooli lahaayeen baahida dhanka caanaha geela iyo sidii loogu dhoofin lahaa dibadda.
Erick Ruto ayaa sidoo kale tilmaamay in ay jirto fursad kale oo dalka Cummaan loogu dhoofinayo 500 oo tan oo hilibka idaha ah, waxeyna Kenya ka heli doontaa 8.1 bilyan oo lacagta dalkaas ah.
“Caalamka waxaa ka jira baahi dhanka xoolaha ah, waana fursad ay muhiim tahay inaan uga faa’iideyno ganacsatadeena oo aan ku xirno suuqyada caalamiga ah” ayuu yiri, Erick Ruto
Guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha ee Kenya ayaa ugu baaqay waaxda warshadaha ee Garissa in ay fuliso qorshaha istaraatiijiyadeed ee lagu hiigsanayo in la shaqaaleysiiyo ugu yaraan 10,000 oo qof, sidooo kalena lagu soo jiidanayo maalgashadayaasha ka qeyb qaadanaya kordhinta ganacsiga.
Guddoomiyaha Garissa, Nadiif Jaamac, ayaa sheegay in Garissa ay qorsheyneyso inay qabato madal maalgashi oo ballaaran taas oo lagu soo bandhigayo fursadaha jira si ay uga faa’iideystaan ganacsatada iyo maalgashadayaasha Kenya iyo kuwa caalamiga ah.
Xoolo-dhaqatada Waqooyi-Bari Kenaya ayaa lagu qiyaasaa in ay dhaqato ku dhawaad 4.722 milyan oo geel ah oo u dhiganta 80% dhammaan geela dalka taas oo Kenya ka dhigaysa mid ka mid ah hormuudka soo saarista caanaha geela adduunka. .
Qorshaha istiraatiijiyadeed ee rugta ganacsiga iyo warshadaha Kenya, waxaa taageeraya Hay’adaha caalamiga ah ee USAID, ILO iyo ACDI-VOCA.