Friday, July 26, 2024

M/W Xasan oo booqashadiisa Tanzania kusoo gabagabeynaya Zanzibar

Zanzibar (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Axad ah kulan la qaatay madaxweynaha Zanzibar, Xuseen Cali Mwinyi, waxayna ka wadahadleen arrimo khuseeya danaha labada dhinac.

“Madaxweyne Xasan waxa uu Zanzibar kula kulmay Madaxweyne Xuseen Cali Mwinyi oo ay ka wada hadleen sare u qaadida iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Tanzania si ay labada dhinac u faa’iidaan” ayuu yiri, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac.

Wasiirka Warfaafinta ayaa intaas ku daray in labada dhinac ay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiiirka laba geesoodka ah iyada oo la iska kaashanayo dhinacyo kala duwan.

Kulankan ayaa imaanaya kadib markii Madaxweyne Xassan uu Daaru-salaam uga qeyb galay sannad-guurada 60-aad ee lagu xusayo maalinta Midowga iyo Qarannimada dalka Tanzania

Munaasabadda kadib, Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa wada hadallo laba geesood ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Tansaaniya Marwo Samia Suluhu Hassan iyo golaha Xukuumadda oo ay ka wada hadleen qodobo taabanaya dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta.

Tanzania ayaa u dabaal degta 26-ka April ee sannad kasta maalinta Midowga iyo Qaraniamda, iyada oo la xuso markii ay isku biireen labadii dowladood ee lagu kala magaacbi jiray Jamhuuriyaddii Tanganyika iyo Jamhuuriyaddii Zanzibar.

Labadaas dowladdod ayaa wada saxiixday heshiiska Midowga 22-kii April ee sannadkii 1964, waxaana la dhaqan geliyay 26-kii April ee isla sannadkaas, iyada oo maalinta hirgelinta heshiiskas loo aqoonsaday maalinta Midnimada iyo Qaranimada ee Tanzania.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here