Friday, October 18, 2024

6 ka mid ah shaqaalaha Shirkadda Harmuud oo ku dhintay qarax

Muqdisho (Dawan)- Shirkadda Hormuud Telecom ayaa sheegtay in Lix ka mid ah shaqaalaheeda ay ku dhinteen qarax galabta lagula eegtay deegaanka Garasbaalley ee duleedka Muqdisho.

War-saxafaadeed kasoo baxay Shirkadda ayaa lagu sheegay in miino jidka lagu aasay ay la kacday gaari ay saarnaayeen howlwadeenada Hormuud oo ku guda jiray shaqo maalmeedkooda caadiga ah.

Howladeenadan ayaa kasoo baxay xarunta Shirkadda ee deegaanka Garasballey, waxeyna ku sii jeedeen xarunta Shirkadda ee deegaanka Ceelasha Biyaha oo ay ka howlgali jireen, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Magacyada lixda qof ee dhimatay ayaa kala ahaa;

  1. Xuseen Macalim Cabdi Weheliye
  2. Maxamed Cabdule Wardheere
  3. 3. Maxamed Axmed Wehliye
  4. Cabdikarim Cusmaan Cabdi
  5. Cabdinasir Axmed Maxamund
  6. Cabdifitaax Nuurre Cabdi Fiidow

    “Waxa aan ehellada, asaxaabta, shaqaalaha shirkadda, iyo bulshada Soomaaliyeed uga tacsiyeynaynaa geerida shaqaalihii ku naf waayay falkaan gurracan, waxaana Alle uga baryeynaa in uu Janatul Fardowsa ka waraabiyo” ayay Hormuud ku tiri, war-saxaafadeedka ay soo saartay.

    Sida ay Hormuud sheegtay, qaraxan ayaa imaanayaa iyada oo 19-kii bishii la soo dhaafay ee Maarso qarax lagu burburiyay laanta ay Shirkaddu ku leedahay xaafadda Daallo ee degmada Howlwadaag, waxaana hore u jiray qaraxyo kale oo Muqdisho iyo meelo ka baxsan lagula eegtay shaqaalaha iyo xarumaha Hormuud, kuwaas oo gaystay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

    Cambaareynta Dowladda

    Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa si adag loogu cambaareyay qaraxii ay ku dhinteen shaqaalaha Hormuudka, waxaana eedda dusha looga tuuray kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta Dowladda.

    “Falkaan oo ahaa mid ka fog Diinta iyo Qiyamka Bini-daamka waxa ay Khawaarijtu si ku tala gal ah ugu beegsatay gaari ay leedahay shirkaddu kaas oo ay saarnaayeen lix muwaadin oo ka tirsanaa shaqaalaha shirkadda kuwaas oo dhamaantood ku naf-waayay ficilkaas Khawaarijta” ayaa lagu yiri, war-saxaafadeedka Wasaaradda Warfaafinta.

    Dowladda ayaa ugu baaqday shacabka in ay si buuxda ula shaqeeyaan hay’adaha dowladda si loo cirib tiro dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ay ku tilmaamtay in cadaw ku yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo hantidooda.

    Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here