Friday, October 18, 2024

Safiirka UK : Warbaahinta xorta ah waxey qayb ka tahay dhismaha dowladnimada

Muqdisho (Dawan)- Safiirka UK ee Soomaaliya Mike Nithavrianakis ayaa sheegay in Warbaahinta madax banaan ee xorta ah ay qayb muhiim ah ka tahay qorshaha dhismaha dowladnimada.

“Warbaahin madax banaan oo xor ah ayaa gabi ahaanba muhiim u ah qorshaha dhismaha dowladnimada waana in ay sheegi kartaa sheeko wanaagsan oo ku saabsan guulihii ay Soomaaliya gaartay 10-kii sano ee la soo dhaafay taas oo bixin kartaa aragti lid ku ah tan aan ka aragno Al-Shabaab” ayuu yiri, safiirka UK.

Hadalkan ayuu safiirku ka sheegay munaasabad lagu xusayay maalinta caalimaga ee xorriyadda saxaafadda oo ku asteysan 3-da May, taas oo ka dhacday Muqdisho.

Mike Nithavrianakis ayaa ku eedeyay kooxda Al-Shabaab in ay saxafiyiinta kula kacdo caburin wuxuuna ugu baaqay dowldda in ay sameyso wax walba oo ay awooddo si loo hagaajiyo muuqaalka warbaahinta Soomaaliya loona hirgaliyo sharciga saxaafadda.

“Waxaana muhiim ah in saxafiyiinta ay awoodaan inay ku shaqeeyaan cabsi iyo cagajugleyn la’aan” ayuu safiirku raaciyay hadalkiisa

Sadfiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in UK ay ka qayb qaadaneyso taageerada warbaahinta Soomaaliyeed iyada oo saxafiyiinta la siinayo tababaro la xiriira sameynta sheekooyina saameynta leh, dhaxdhaxaadnimada, sinnaanta jinsiga, hagaajinta xiriirka bulshada, la qabsiga isbeddelka cimilada iyo ilaalinta noolaha.

Xilliga lagu jiro oo ay roobabku saameeyn ku yeesheen nolosha dadka ayuu safiirka UK ku booriyay in warbaahintu ka qayb qaadato wacyi gelinta bulshada u nugul isbeddelka cimilada, si looga baaqsado masiibooyinka.

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa meel-mariyay ansixinta maalinta xorriyadda saxaafadda adduunka bishii December 1993-kii. Tan iyo markaas, sannad kasta waxaa 3-da May la xusaa maalinta xorriyadda saxaafadda adduunka.

3-da May, waa maalin ay mihnadlayaasha warbaahintu dib u eegis ku sameeyaan xaaladda xorriyadda saxaafadda ee adduunka, ilaalinta mabaadi’da aasaasiga ah ee xorriyadda saxaafadda, Ka difaacida warbaahinta weerarada ka dhanka ah madax banaanidooda iyo xuska saxafiyiinta naftooda ku waayay iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here