Saturday, July 27, 2024

Catriona Laing oo soo gaba-gabeysay shaqadii ay u joogtay Soomaaliya

Muqdisho (Dawan)- Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing oo soo gaba-gabeysay shaqadii diblumaasiyadeed ee ay ku joogtay Soomaaliya, iyada oo maanta kulamo macasalaameyn ah la qaadatay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

“Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Catriona Laing, doorka ay ka qaadatay iskaashiga Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ee taageerada dowlad dhiska, nabada, amniga iyo arrimaha binu aadannimo” ayaa lagu yiri, war-saxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia.

Dhankiisa Ra’iisul wasaraaha ayaa uga mahadceliyay Danjire Laing doorkii ay ka soo qaadatay taageerada dowladnimada Soomaaliya, muddadii ay ka howlgaleysay dalka , taas oo xoojisay taageerada iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Wakiilkii gaarka ahaa ee xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Catriona Laing ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay wada-shaqeynta dhax-martay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta ay ku guda jirtay gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Dhawaan ayay ahayd markii Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu xaqiijiyay in Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, ay soo gabagabaynayso hawsheeda Soomaaliya dhamaadka bisha May.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska UNSOM, hawlgalka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa ku eg 21-ka May.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here