Thursday, September 19, 2024

Shaybaarka Baarista Cilmiyeysan: wax xiriir ah kama dhaxeeyo dilkii C/naasir  Dahable iyo dadkii loo xiray

Muqdisho (Dawan)- Baaritaan ay sameysay Waaxda Shaybaarka Baarista Cilmiyeysan ee hoostgata CID ayaa muujiyay inaysan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya dilkii Cabdinaasir Muuse Cabdirahmaan oo ka tirsanaa hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed iyo toban qof oo hore loogu eedeeyay loona xiray ku lug lahaansha dilka marxuumka, sida ay ilo ka tirsan Boliiska u xaqiijiyeen Dawan.

Baaritaanka oo ay iska kaashadeen khubarada waxaada dambi baarista Soomaaliya iyo Boliiska Turkiya ayaa loo adeegsaday shaybaarka casriga ah iyada oo baaritaan dhameystiran lagu sameeyay goobta ay wax ka dhaceen iyo eedeysanayaasha loo soo qabtay falka .

Bishii February ee sanadkan, Boliiska ayaa sheegay in maydka Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan laga helay hoyga uu ka deganaa Waaxda Janaraal Daa’uud ee Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho, iyada oo isla xilligaas gacanta lagu soo dhigay dhowr qof oo lagu tuhmayay ku lug lahaanshaha dilkiisa.

Natiijada ugu dambeysa ee Waaxda Shaybaarka Baarista Cilmiyeysan ma aysan soo saarin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya dilka Cabdinaasir iyo eedeysanayaasha xiran, waxaana isa soo taraya baaqyada lagu dalbanayo in lasii daayo tobanka qof .

In kasta oo la helay natiijo cad oo ku saabsan arrintan, hadana go’aanka rasmiga ah ee lagu sii daynayo kooxda xiran waxaa iska leh maxkamadda dambiyada ee dalka.

Ehelada eedeysanayaasha iyo qareenadooda ayaa billaabay in ay cadaadis saaraan hay’adaha dowladda, taas oo lagu dalbanayo in si deg-deg ah loo sii daayo tobanka qof maadaama baaritaanadii la sameeyay ay muujiyeen in aysan ku lug lahayn dilka dhacay.

Xeer illaaliyaha Qaranka ayaa helay warbixinta baaritaanka oo faahfaahsan Sabtidii la soo dhaafay, laakiin si rasmi ah uma shaacin natiijada iyo in lasii daynayo eedeysanayaasha
Howlwadeenada sharciga iyo bulshada ayaa dhamaantood isha ku wada haya baaritaanada kiiskan, iyada oo natiijada kaso baxda ay saameyn ku yeelan doonto xaqiijinta caddaaladda iyo hannaanka isla xisaabtanka Garsoorka ee dalka.

Kiiskan ayaa sidoo kale muujinaya heerka Wada shaqeynta hay’adaha dambi barista ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan marka la eego adeegsiga shaybaarka casriga ee lagu ogaado dilalka qorsheysan ee nuucaan ah.

Dilka Cabdinaasir, waxa uu cirka ku sii shareeray khilaafkii xakameynta hawada ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, iyada oo Muuse Biixi Cabdi uu wacad ku maray in lala xisaabtami doono ciddii ka dambeysay dilka Marxuumka, waxa uuna mas’uuliyadda dilka dusha uga tuuray Madaxda Dowladda Soomaaliya.

Cabdinasir Muuse Dahable, ayaa lagu aasay 25-kii February Gabiley, iyada oo ay goob joog ahaaayeen Madaxweynaha Somaliland, xubno ka tirsan Golayaasha Guurtida, Wakiilada, Wasiirada iyo mas’uuliyiin ka kala socotay Xisbiyada Mucraadka iyo Bulshada Rayidka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here