Thursday, September 19, 2024

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hey’adaha Maaliyadda Carabta

Qaahira (Dawan)- Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa maanta ka qaybgalay furitaanka shirka sanadlaha ah ee Hey’adaha Maaliyadda Carabta oo sanadkan lagu qabanayo magaalada New Qaahira ee dalka Masar.

Shirkaan oo labo maalin ah ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha horumarinta Maaliyadda dalalka Carabta, iskaashiga dhaqaalaha iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira.

“Waxaan maanta magaalada Qaahira ee dalka Masar kaga qayb galay furitaanka shirka hay’adaha maaliyadda ee dalalka Carabta. Ajandaha waxaa ka mid ahaa ka jawaabista xasaradaha juqraafiyeed ee gobolka, kor u qaadida kobaca dhaqaalaha, iyo iskaashiga maaliyadeed” ayuu Biixi kusoo qoray bartiisa X

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa inta uu ka qeyb galayo shirkaan waxa uu sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa Madaxda Dalalka iyo kuwa Hey’adaha Maaliyadda Carabta ee wadashaqeynta ay kala dhaxayso Dowladda Soomaaliya.

Shirkan ayaa ah madal ay ku midaysanyihiin hay’adaha maaliyadeed ee Carabta si ay uga wada xaajoodaan arrimaha la xiriira kobcinta dhaqaalaha iyo ka qayb qaadashada horumarinta heer gobol iyo heer caalami, waxaana sidoo kale lagu qiimeeya guulihii ugu dambeeyay ee laga gaaray dhanka dhaqaalaha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here