Saturday, July 27, 2024

Diyaarad ay leedahay QM oo ku degtay deegaan ay ka taliyaan AS

Muqdisho (Dawan)- -Diyaarad Helicopter ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay ayaa maanta si lama filaan ah ugu degtay deegaanka Xiin-dheere oo ku dhow degmada Wisil ee Gobolka Mudug, sida ay sheegeen maamulka deegaanka.

Maxamed Cabdi Aadan oo ah Wasiirka Amniga Maamul Gobleedka Galmudug oo la hadlay Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in Diyaaradda Helicopter-ka ay ka soo duushay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, ayna ku sii jeedday deegaanka Wisil, balse ay si lama filaan ah ugu degtay deegaanka Xiin-dheere kadib markii ay cellad ku timid.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in Diyaaradu ay dawo u wadday Xerada Ciidanka Xoogga Dalka ee Wisil, isagoo sheegay in la rumeysan yahay inay saarnaayeen 7 qof oo isagu jira Soomaali iyo ajaanib.

Dowladda Soomaaliya iyo Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan kaalmada Soomaaliya ayaan war rasmi ah kasoo saarin dhacdadaan ilaa iyo hadda (20:15)

Xogta la helayo waxa ay tilmaameysa in Kooxda Al-Shabaab ay gacanta ku dhigtay Diyaarada Helicopter-ka ah, balse weli dhankooda war kama soo bixin.

Lix sano ka hor ayay ahayd markii sidaan oo kale, Diyaarad ay ku dhacday deegaan ku dhaw Degmada Awdheegle ee Gobolka Sh/hoose oo ay ka talinayeen Al-Shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here