Thursday, September 19, 2024

Soomaaliya oo heshay $18 milyan oo wax looga qabnayo isbedelka cimilada

Nairobi (Dawan)- Bangiga Hormarinta Afrika ayaa Soomaaliya ugu deeqay lacag gaareysa 18-milyan oo wax looga qabanayo ka hortagga masiibooyiinka ka dhasha isbedelka cimilada.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Horumarinta Afrika Marwo Dr. Beth Dunford ayaa wadajir u saxiixay heshiiskan maaliyadeed oo ka dhacay Magaalada Nairobi, halkaas oo uu ka soconayo shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa saxiixa kadib kusoo qoray bartiisa X “Waxa ay ii ahayd sharaf inaan Bangiga Hormarinta Africa la saxiixdo barnaamijka maalgelinta ka hortagga khataraha masiibooyiinka cimilada ee caalamiga ah oo ay ku baxeyso lacag ka badan 18 milyan oo dollar. Arrintan waa mid taariikhi ah, waxeyna Soomaaliya iyo bulshooyinka ay dhibaatadu saameysay ka taageri doonta u adkaysiga isbedelka cimilada” .

Bangiga Horumarinta Afrika waxa uu aad u xoojiyay wada shaqeynta iyo taageerada Dowladda Soomaaliya, tan iyo markii ay Soomaaliya si rasmi ah loogu guuleystay dib-u-habeynta Maaliyadda iyo hannaanka funaanta dhaqaalaha taas oo keentay in laga cafiyo daymihii lagu lahaa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here