Monday, December 2, 2024

Geelle oo Rwanada uga qayb galay shir ku saabsan horumarinta Afrika

Kigali (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qayb galay madasha horumarinta dhaqaalaha qaaradda Afrika oo markii labaad lagu qabanayo magaalada Kigali ee dalka Rwanda.

Geelle oo ka qayb qaatay doodaha ka socda madasha ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay Jabuuti uga go’antahay in ay kaalin mug leh ka ciyaarto hormarinta qaybaha kala duwan ee qaaradda Afrika iyada oo lala jaan qaadayo hababka cusub ee dheeli tiraya kor u qaadista kaabayaasha dhaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in dekadaha dalkiisa iyo aagga xorta ah ee Jabuuti ay kaalin wayn ka qaadan karaan fududeynta ganacsiga isaga gooshaya qaaradda Afrika taas u sahlaysa dowladaha aan xeebta lahayn in ay si fudud uga faa’iideystaan, sidoo kalena looga dhabeeyo hiigsiga Afrika ee ganacsiga xorta ah.

Geelle ayaa intaas raaciyay in ay muhiim tahay in ay kala duwanaadaan ilaha dhaqaalaha ee qaaradda si loo helo ganacsi dhameystiran oo la xiriira dhinacyada mashaariicda shidaalka, badda, beeraha, kalluumaysiga, dalxiiska, tamarta la cusboonaysiin karo iyo qaybaha kale ee muhiimka u ah horumarinta Afrika.

Dhinaca kale, Madaxweyne Geelle ayaa la kulmay dhiggiisa Rwanda, Paul Kagamé, waxeyna isla soo qaadeen xiriirka mudnaanta leh iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Jabuuti iyo Rwanda.

Rwanda waxay markii labaad martigelinaysa madasha 11-aad ee horumrinta dhaqaalaha Afrika oo ay ka qayb qaadanayaan in ka badan 2,000 oo qof kuwaas oo isagu jira hogaamiyaalka ganacsiga, shirkadaha maalgashiga, iyo madaxda siyaasadda.

Madasha ayaa sannadkan looga hadlaya sidii loo xoojin lahaa ganacsiga gaarka loo leeyahay, iyada oo la eegayo suuqyada iyo fursadaha ka jira gudaha qaaradda Afrika iyo sida loola jaan qaadi karo habka ganacsiga caalamiga ah ee casriyeysan, iyada oo laga faa’iideysanayo khayraadka dabiiciga ah iyo wax soo saarka qaaradda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here