Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

TÜRKIYE

Izmir – Dhoolatuska militari ee ugu wayn Turkiga ayaa ka socda magaalada Izmir, iyada oo ay goob joog yihiin mas’uuliyiin uu ka mid yahay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo wasiirada difaaca ee ka socda dowladaha saaxibka la ah Turkiga.

Ilaa 11,000 oo askari oo ka kala socda 49 waddan ayaa ka qaybqaatay dhoolatuskii la sameeyay habeenimadii xalay, iyada oo ay ciidamadu soo bandhigeen xeelado kala duwan oo la xiriira quusidda badda, duulista hawada, kusoo degista baarashuudka, nuucyada duullaanka iyo sahaminta .

Jamhuuriyadda Czech

Prague – Jamhuuriyadda Czech waxay martigelinaysaa shir aan rasmi ahayn oo ay yeelanayaan wasiirrada arrimaha dibadda ee NATO ka hor shirwaynaha NATO ee dhacaya bisha July.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo ka qayb galaya shirka.

UK

London – Baarlamaanka Ingiriiska ayaa la kala diray ka dib markii Ra’iisul Wasaare Rishi Sunak uu ku baaqay doorasho guud oo dhacaysa 4-ta July ee soo socota.

US

New York – Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa yeelanaya fadhi lagu xusayo madaxweynihii hore ee Iran Ibraahim Raisi ee ku dhintay shil diyaaradeed bartamaha bishan.

Dowladda Mareykanka ayaa la filaya inasayn ka qayb geli doonin kulanka tacsida ee Ibraahim Raisi.

New York – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhagaysan doona warbixin ku saabsan Bariga Dhexe kadiban waxa ay ka shiri doonaan xaaladda dalka Suuriya.

KOONFUR AFRIKA

Johannesburg -Guddiga sare ee doorashooyinka Koonfur Afrika ayaa bilaabay soo saarista qayb ka mid ah natiijadii doorashada heer qaran iyo heer deegaan ee dhacday Arbacadii.

Kormeerayaasha doorashada ee Midowga Afrika ayaa la filayaa in ay warbaahinta uga warbixiyaan hannaanki ay doorashadu u dhacday.

IRAN

Tehran- Diiwaan gelinta musharrixiinta u tartamaya doorashada madaxtinimada ee dalka Iran ayaa maanta la billaabay.

Sida uu qabo sharciga doorashada Iran, musharrixiinta waa in ay da’doodu u dhexeyso 40 ilaa 75 jir, waana in ay haystaan ​​ugu yaraan shahaado Master ah.

INDIA

New Delhi – Ololaha wajigii ugu dambeeyay ee doorashooyinka guud ee Hindiya ayaa lasoo gabagabeeyay. Doorashada ayaa lagu wadaa in la qabto 1-da bisha June, waxaana la filayaa in natiijadu ay soo baxdo 4-ta bisha June.

SHIINAHA

Beijing- Magaalada Beijing waxaa ka furmay shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta oo ay ka qeyb galayaan Boqorka Bahrain, Hogaamiyaha Shiinaha Xi Jinping, Madaxweynayaasha dalalka Masar, Tuunis iyo Imaaraadka Carabta.

Soomaaliya waxaa Madashan ku metelaya Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Macallin Fiqi.

PAKISTAN

Islamabad- Wasiirka arrimaha dibadda ee Azerbaijan Jeyhun Bayramov ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Pakistan isaga kulamo la qaadanaya dhiggiisa dalkaas Maxamed Isxaaq iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Shehbaz Sharif.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here