Friday, October 18, 2024

Koonfur Kuuriya oo Itoobiya ku maalgelineysa $ 1 bilyan

Seoul (Dawan)- Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in Koonfur Kuuriya ay 1 bliyan oo dollar ku maalgelineyso mashaariic laga fulinayaao Itoobiya afarta sano ee soo socota.

Labada dowladood ayaa heshiiska maalgelinta kala saxiixay kadib markii ay Madaxweynaha Koonfur Kuuriya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ay wada yeesheen wada xaajood arrintaas ku saabsan.

Abiy Axmed ayaa heshiiska kadib kusoo qoray bartiisa X; ” Waddamadeenu waxay wadaagaan taariikh dheer oo soo taxnayd lixdankii sano ee la soo dhaafay, taasoo salka ku haysa taageeradii Itoobiya ee dagaalkii Kuuriya. Waxaan ku kalsoonahay in aan ka wada shaqayn doono si aan u sii hagaajino iskaashigeena”

Ra’iisul Wasaare Abiy oo ay weheliyaan wafdi heer sare ah oo ka socda Itoobiya, ayaa Seoul u jooga si ay uga qayb galaan shir-madaxeedka Kuuriya Koonfureed iyo Africa ee beri billabanaya.

Magaalada Seoul ee caasimadda Kuuriyada Koonfureed waxay marti gelineya maalmaha 4-ta iyo 5-ta bishan June, Shir-madaxeedki ugu horeeyay ee Jamhuuriyadda Kuuriya iyo Afrika iyada oo ujeedadu tahay kor u qaadista iskaashiga iyo isdhexgalka qaaradda Afrika iyo Kuuriyada Koonfureed.

Ku dhawaad 48 mas’uul oo ka socda dalalka Afrika ayaa lagu wadaa in ay kasoo qayb galaan shirka, waxaana ka mid ah mas’uuliyiintaas Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here