Saturday, September 21, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Falastiin

Gaza- Weerarka Israel ee magaalada Gaza ayaa galay maalintii 247aad, iyada oo in ka badan 36,800 oo Falastiiniyiin ah ay ku dhinteen, halka tirada ku dhaawacantahay ay kor u dhaaftay 83,000 oo qof.

Ciidamada Israel ayaa weerar ku qaaday xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha marinka Gaza, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 210 Falastiiniyiin ah in ka badan 400 oo kalena way ku dhaawacmeen. Ciidamada Israel oo gacan ka helaya sirdoonka Maraykanka ayaa soo badbaadiyay afar qof oo ku jiray gacanta kooxaha iska caabinta ee Falastiiniyiinta.

Ramallah – Weerarka ciidamada Israel ee Daanta Galbeed, waxaa sidoo kale ku dhintay tan iyo 7-dii Ocotober, 2023, ugu yaraan 533 Falastiiniyiin ah, ku dhawaad 5,200 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen, waxaana la xiray ugu yaraan 9,100, sida laga soo xigtay ilo Falastiiniyiin ah.

MASAR

Qahira – Magaalada Qaahira ee dalka Masar waxaa wali ka socda dadaallo lagu doonayo in lagu gaaro heshiis la isku dhaafsado maxaabiista ay kala haystaan Israel iyo Falastiiniyiinta.

QATAR

Doha – Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa ka qayb galaya shirka lixaad ee Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC).

Ajendaha shirka waxaa ka mid ah xoojinta xiriirka Turkiga uu la leeyahay dowladaha Khaliijka iyo xaaladda ka taagan marinka Gaza.

BELGIUM

Brussels- Doorashada Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa lasoo gabagabeynaya maanta oo Axad ah, iyada oo muwaadiniinta wadamada ku bahoobay Midowgay Yurub ay soo dooranayaan 720-ka xubnood ee Baarlamaanka Yurub.

Xubnaha lasoo doorto ayaa shaqayn doona shanta sano ee soo socota.

HINDIYA

New Delhi – Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi ayaa la dhaarin doona maanta oo Axad ah, iyada oo ay munaasabadda kasoo qayb galayaan hoggaamyaal dhowr ah oo ka socda wadamada Koonfurta Aasiya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here